Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Boqornajaashiii on December 20, 2018, 04:55:05 PM

Title: Su'aal: Waxaan wada joognaa gabar?
Post by: Boqornajaashiii on December 20, 2018, 04:55:05 PM
Asc. Ugu horayn waxan salamayaa dhamaan bahda somalidoc.
Salaan kadib doctor waxaan rabaa in laiga qanciyo hal suaal, taas oo ah;

Waxaan wada joognaa gabar, waxana ilaahay nagu irsaaqay hal wiil, wiilkaas gabadhu waxay ku dhashay CS, maxaa yeelay waxa ku dheeraaday fooshii, uur-jifkii ayaa usoo dagi waayay xaga KAFKA, dhaqaatiirta waxay dhaheen gabadha KAFKEEDA ayaa yar oo caadi uma dhli karto, anigoo ku kalsoonaan waayay ayaan u geeyay islaan umuliso ah wxay tiri gabadha kafkeeda ma yaree ilmahaa soo dagi wayay markaas ayaan saxiixay in la qalo, hadana waxay leedahay uur yar.

Su'aasheyda waxay tahay maxaa lagu kala saari karaa gabadha kafka yar iyo mida kafka wayn.
 Waan ka mahadcelin doonaa jawaabtiina.

Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan wada joognaa gabar?
Post by: SomaliDoc on April 21, 2019, 09:31:32 AM
Hooyada markay bilaha dambe uurka ku jirto ayaa waxaa miskaha laga saaraa raajo si la isugu fiiriyo in madaxa cunuga iyo kafkeeda ay isla egyihiin oo cunuga soo mari karo, baaritaankaan badanaa looma sameeyo hooyo kasta oo qofkii laga shakkiyo ama qoyskiisa dhaxal ahaan miskahooda yar yahay ayaa lagu sameeyaa..

Haddii madaxa cunuga iyo miskaha hooyada isla ekaan waayaan, cilladaasi waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Cephalo-Pelvic Disproportion", taasoo macnaheedu yahay madaxa iyo miska oo aan isla ekayn, markaasne qalliin waa lama huraan.

Gabadha inta aysan uur yeelan, lama go'aamin karo inay qalliin ku dhali doonto ama foosha ku adkaan doonto iyo in kale, sababtoo miskaha xilliga foosha way kala baxaan, waxay kaloo ku xiran tahay cabirka madaxa cunuga sidaa darteed hooyo walba oo miskaheedu yar yahay inay qalliin u baahan tahay ma ahan, sidaas darteed hooyadii horay loo qalay, hadane uur yeelatay kafkeedane laga shakkisan yahay waxaa la siiyaa jaanis ay ku dhasho iyadoo qalliinkane loo diyaariyay, taasina waxaa la dhahaa "Trial of Labor", faahfaahinta arintaan iyo waxyaabaha hooyadaasi la gudboon fadlan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0)