Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mustafa0101 on May 05, 2011, 01:56:46 AM

Title: Su'aal: Waxaa igu dhacay waxa loo yaqaan qawad?
Post by: Mustafa0101 on May 05, 2011, 01:56:46 AM
waad salaaman tihiin dhamaan culimada caafimaadka soomaaliyeed

waxaa igu dhacay dhibcaha ama baraha ka ku dha dhaca maqarka oogadiisa  oo loo yaqaan qawad  waxaan is ticmaalay daawoyin badan ilaa iyo hadana igamategin maxaad talo iga siin lahayd  thanks
Title: Re: Su'aal: Waxaa igu dhacay waxa loo yaqaan qawad?
Post by: Drkheyre on May 06, 2011, 11:28:15 AM
Walaal waa mahadsantahay,

Horta dhibcahaas ama baraha aad sheegeysid anaga ma ogaankarno waxa ku hayo in uu yahay Qawad waayo badanaa cuduradda maqaarka aragti ayee ku fiicantahay, laakiin dhaqtar haduu xaqiijiyay hadane daawada laguu qoray ee mid sax tahay.

Walaal hadii daawadaas wax qaban weyso waxaa dhici kara arimahaan:

?   waxaa jirra cudurro kale oo qawadka u ekaan karo marka waxaa loo baahanyahay in la baaro qawadka.
?   Tayada daawada.
?   Qawadku wuu soo laalaabtaa sidaa darteed inuu soo laabtay ayaa dhici karta.
?   Qawadku in uu daranayahay laga yaabaa waayo markuu daranyahay waxaa loo qaataa kaniiniyaal.

marka ugu dambeyntii waxaa kula talin lahaan in aad dhaqatar ku taqasusay cudurada maqaarka aad booqatid.

Hakaan ka Eeg Waa maxay QAWAD?
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2313.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2313.0.html)