Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Buraale143 on April 14, 2011, 10:24:56 PM

Title: Su'aal: waxaan soo kacaa subaxdii aniga oo qoyan?
Post by: Buraale143 on April 14, 2011, 10:24:56 PM
waxaan idhibta markaan habeenki seexdo in aan soo koco subaxdii aniga oo qoyan dhareer macnaha marka waxaan rabay in aad iiso sheegtan qaabka lagag hortagi karo arintaa, waxa kalo jidh in u afkaygu uro markaas ama subaxdaa iyo habeenkiiiba .
Title: Re: Su'aal: waxaan soo kacaa subaxdii aniga oo qoyan?
Post by: SomaliDoc on April 19, 2011, 09:38:05 PM
Habeenkii oo isku junubtid ama adoo qoyan soo kacdid waa arrin caadi ah oo ay raggu ku kala badanyihiin.
Waxaad qoyi kartaa adigoo riyooda ama aan riyoonin labadaba.
Waxba haka walwalin, hana dareemin danbi waana wax dabiici ah, diinteennane ku cad.
Dadka qaar waxay aaminsanyihiin in siigeysashada ay yarayso biyo-baxa habeenkii, laakiin taasi wax jira maahan.
Laakiin waxaa hubaal ah in ay yaaraadaan marka qofku mashquulo ama fakarkiisa uu meel saaro sida waxbarashada oo kale, waxaadna dareemi kartaa maalmaha aad imtixaananda leedahay ama aad mashquulsantahay in ay yaraadaan.

Midda kale ee ku saabsan af-shiirka, halkan ka akhriso horay ayan uga jawaabnay:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html)