Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Jamaaluddiin on February 14, 2016, 04:16:33 PM

Title: Elephentiasis
Post by: Jamaaluddiin on February 14, 2016, 04:16:33 PM
Sidee loo baaraa cudurka maroodiga (Elephentiasis)?
Cudurkan waxaa keeno nooc kamid ah kaneecada markey dadku qaniinto waxay ku reebtaa dhalaanka gooryaanka lagu magacaabo wuchereria bancrofti iyo brugia malai kaasoo weynaado kuna noolaado dhiiga iyo dheecaanka lymphaticska kadibna halkaas uu ku tarmo.

Haddaba baaritaankiisa:
Dhiiga markii la qaado ayaa lagu eegaa gooryaankan il ma aragto eegaha (Microscope) kadib waxyaabahan

Sidoo kale waxaa laga raadin karaa dhalaanka ku dul noolahani meelaha dheecaanka lymphsku ku aruuray oo isagusababay ku aruuridaasi ama kaadida waa hadii ku aruuro meel u dhow keliyaha haddana uu dilaaco markaasi dheecaankaasi kaadida soo raaco.

Waxaa kaloo lagu baari karaa in qofka lagu mudo maqaarkiisa qeebta kore (dermska) kiimiko lid ku ah 3 maalmood kadibna laga eego casaan meesha lagu muday lana cabiro intay la egtahay meesha gaduudatey.

Waxaa kaloo lagu baari karaa iyadoo la baaro wax yaabaha uu sababi karo sida:

Waxa kaloo waliba lagu baari karaa in cad laga jaro meesha dheecaanku ku aruurey kadibna la rinjiyeeyo si loo arko gooryaankan.