Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aweis on March 06, 2011, 02:54:06 PM

Title: Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?
Post by: Aweis on March 06, 2011, 02:54:06 PM
WAA WIIL 29 JIR KU NOOL YURUB waxaan isku arkay madax xanuun badan xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee sida qof soo jeedo waan daalaa sida  indhaha waa i gaduudan yahiin marka aan soo kaco maskaxdane aad ayeey u daalantahay timaha garka qeebta bidix meelo ka mida weyka tagtay amo ka haaday hurdada waa igu adagtahay hadaan hurdane maxkaxda kama hurdo maxaad u maleeynee oon iska baaraa waa mahadsan tahay FADLAN IISOO JAWAAW WIXI AY KULA TAHAY  AJIR ALLAHA KU SIIYO
Title: Re: Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?
Post by: SomaliDoc on March 07, 2011, 05:26:15 PM
Illaa Imisa ayaad saan u xanuunsantahay?
Wax daawo ah aad qaadatid ma jiraan?
Wax welwel ama buuq kugu furan ma jiraan?
Hadda ka hor sidaan ma laguu qabtay oo maka bogsatay mise?
Wax aad isticmaasho oo maandooriye ah miyaa jira?
Wax calaamado oo jirka qaybiihisa kale ka muuqdo ma jiraan? ama baaritaan aad isku samaysan dahwaantaan?
Ma jirtaa dhacdo dhaxdin leh oo shoog ku abuurtay dhawaantaan?
Wax dabcigaaga, fikirkaaga iyo dhaqankaaga iska badalay ama qoyskaagaba ay kuu sheegeen ma jiraan?
Title: Re: Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?
Post by: Aweis on March 07, 2011, 08:46:56 PM
waxaan isku arkay walaaca maskaxda markaan hurdo ilaa mudo bil ah
ma isticmaalo daawo joogta ah laakin daawo hurdo hadii loo baahdo
wax wel wela waa jireen xili dheer
hada ka hor iskuma arag noocaan oo kale
ma isticmaalin waligeey wax maan doo riyaa
calaamd waxaan isku arkay garka oo tinta ka haado dhanka bidix sadax meelood
ma jiraan dhacdo naxdin leh oo xilidhaw dhacday
waxaa iska badalay dabcigeyga xanaaq badan shanqarta oo i dhibto
Title: Re: Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?
Post by: SomaliDoc on March 09, 2011, 10:28:48 PM
Calaamadaha aad tilmaantay waxay u egtahay in aad qabtu dareen murugo, diiqo ama niyad-jab.
Diiqadune way keentaa in meelaha qaar madax ama garka ay tinta ka haaddo.
Si aad fikrad fiican uga qaadato cudurka diiqada ama welwelka boggaan booqo:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html)