Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maajid Dalab on April 06, 2017, 03:36:11 PM

Title: Su'aal: Faa'idada uu leeyahay "KONTAKT LINSEN"?
Post by: Maajid Dalab on April 06, 2017, 03:36:11 PM
ASC WR WB somali doc, waxaan u bahnahay in layga jahil bixiyo faa'idada uu lee yahay Kontakt linsen/indhaha la gashto mase jirta dhibaato uu lee yahay kontakt oo aniga indhahayga iyo jirkayga kalaba uu u geesanayo

AAD BAAN IDIN SALAMAYA
Title: Re: Su'aal: Faa'idada uu leeyahay "KONTAKT LINSEN"?
Post by: SomaliDoc on July 21, 2017, 07:37:20 PM
Contact lens waa bikaaco macmal ah oo indhaha la gashto, waxaa loo qaataa in aragga loogu saxo ama lagu daaweeyo dadka qaarkood oo qaba cilladaha aragga, waxay kaloo dadka qaarkood u isticmaalaan isqurxinta iyo badalidda midabka indhaha.

Tirakoob lagu sameeyay dadka xirta bikaacdaan macmalka ah waxaa lagu qiyaasaa 125 milyan oo qof, tiradaasi markii sadax loo qeybiyo laba ka mid ah waa haween, dadka ugu badan ee isticmaala waxay ku nool yihiin maraykanka.

Haddii dhakhtar uu kuu soo qoray, waad ku qasban tahay inaad qaadatid haddii sidaasi xal loo arkay, laakiin haddii aad qurux ahaan u qaadan rabtid, waxaan kugula talinayaa inaad iska ilaalisid sababtoo ah waxay dadka qaar u keenaan dhowr cilladooda sida allarjiga indhaha, taasoo dhaawac indhaha ku reebi karto, waxay kaloo keeni karaan caabuq indhaha ku dhaco oo ay bikaacdo gudbiso khaasatan jeermiska fangaska, kaasoo halis ah oo indho la'aan keeni kara haddii aan waqti hore lagu baraarugin.

Waxaa kaloo la arkay inay bikaacdu ay oksajiintu ka xirto isha markii la gashto taasoo keento cillad loo yaqaano "Oxygen barrier", waana dhibaato kale.

Maadaama bikaacda la iska siibo, lana gashto taataabashadaas iyo isticmaalkaas ayaa sabab u ah inay ishu xagtin gaarto ama infeksha sidaa ku galo.

Midda kale tababar ayaa loo sameeyaa qofka sida uu u gashanayo iyo sida uu iskaga siibayo, maxaayeelay hadday khaldanto dhib ayay keeni kartaa.