Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on July 13, 2017, 03:19:38 PM

Title: Cudurrada Lagu Daaweeyo Guurka..!
Post by: SomaliDoc on July 13, 2017, 03:19:38 PM
(http://somalidoc.com/Topics/guurso.png)

Bismillah

Casharkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay guurka iyo xanuuno la xaqiijiyay inuu daawo u yahay, waxaa jira dhalinyaro badan oo dhakhaatiirta u raadsada daawo iyagoo ka cabanayo arrimo lagu xallin karo guurka, sidaa darteedne ay dhakhaatiirta qaar kula taliyaan in qofka guursado taasoo keeni karta in dhakhtarka qalad loo fahmo mararka qaar.

Guurka oo soo daaho ama qofka u suuroobi waayo waxaa laga dhaxlaa cillado badan oo rag iyo dumarba ku dhaca haba u sii badnaandaan dumarkee.

Siduu Alle SWT ku sheegay quraankiisa, rasuulkane noo cadeeyay Guurku waa shay muhiim u ah nolosha bini'aadanka, wuxuuna isbadal jir iyo nafsi ahaanba ku sameeyaa qofka, waxaana laga helaa daganaansho, kalgacal iyo naxariis qofka ku abuuranto, wuxuu kaga badbaadaa fakarka, kalinnimada iyo kacsanaanta niyadda.

Sidaa darteed rasuulkeena suuban wuxuu dhalinyarada kula taliyay inay guursadaan haddiiba ay awoodaan, taasi waxay tilmaan u tahay in qofka bini'aadanka uusan guur ka maarmi karin, faa'idooyin badane laga dhaxlo, xanuuno badanne looga hortago kuwaasoo mar dhaw caalamku u ogaaday waxaana ka mid ah:


Waxyaabo badan oo isu-tagga lamaanaha is qaba ay faa'idooyin caafimaad ka heli karaan oo halkaan lagu soo koobi karin ayaa jira, sida ka hortagga cudurrada wadnaha ku dhaca, ka hortagga xanuunka caadada, xoojinta murqaha kaadi heysta iyo helidda hurdo wanaagsan.

Dhalinyaro badan ayaa guurka ka aaminsan fikraod qaldan, kuwaasoo badankood lagu abuuray waxaana ka mid ah in guurka uu wato stress iyo fakar badan, qofka oo ciriiri galayo ama waqti u helayn baashaal iyo raaxaysi. Waxaas oo idil waa qlad, waana wixii Alle ugu talagalay in guurka laga helo, laakiin way jiri karaan dad dhif ah in guurka uu ka hallaabo oo labadii lamaane is calfan waayeen oo isfahan darri meesha ka dhacdo, laakiin maahan in dhacdooyinkaas kooban laga dhigto cudur daar oo dad badan oo xalkoodu guur yahay lagu abuuro cabsi iyo buufis. Caafimaad baan idiin rajaynayaa insha'llah.

Waa qoraal kooban, wixii faahfaahin aad u baahan tahay ku soo gdubi qeybta su'aalaha ama toos ugala xiriir dhakhtarka boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)