Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samawade180s on September 05, 2009, 01:59:58 AM

Title: Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?
Post by: Samawade180s on September 05, 2009, 01:59:58 AM
asc.w.w

dear


waxaan waligey ilaa yaraan tey isku arkay cudur kaan ah cuntada hadeyna laheyn cusbo ama ay ku yartahay macuni ila aan kahelo cusbo iyo liin hadaanan helin cuntadaas waxaan kaqaada labolabo waxan ku dhawaana in aan matago sidaas waxaan ka codsanaya dhaman memberada webkaan ama dakhaatiirta in ay xog aan ku farxo iga siyaan sida aan ku xalinkaro dhibaatadaan i haysata idinkoo mahadsan ?

was/c/w
Title: Re: Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?
Post by: SomaliDoc on September 05, 2009, 04:22:58 PM
Cuntada cusbada leh miyaa jeceshahay in aad cusbo kale oo xad dhaaf ah ku darsato mise?
Title: Re: Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?
Post by: Samawade180s on September 08, 2009, 12:54:23 AM
haa waxan jeclahay in aan cusbo zaa'id isticmaalo doctor
Title: Re: Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?
Post by: SomaliDoc on September 09, 2009, 11:59:58 AM
Salamau Alaikum

Jamashada Cusbada "Salt Craving" waxay ka dhalan kartaa waxyaabo badan oo ay ka mid tahay haddii unugyada dhananka ee carabkaaga ay la qabsatahay dhananka dhanaanta oo saa'idka ah oo haddane ay dhacdo in cusbo laáan ay dhacdo ama cunnada kugu yaraato in aad jamato cusbo.

Wuxuu kaloo jirkaaga jantaa cusbada markii ay ku yaraato macdanta qaar ee laga helo cusbada sdia Sodyamka iyo Choloride-ka.

Jamashada cusbada waxay kaloo calaamad u noqon kartaa cudurrada ka dhasho howlgabka ku yimaado qanjirka loo yaqaanno (Adrenal gland).

Jirkaaga celcelis wuxuu u baahanyahay maalintiiba illaa 500mg oo cusbo ah, inkastoo qofku laga rabo in uu qaato ilaa 2500mg maalintiiba. laakiin haddii aad thay qof aad u dhidida, howl culus qabta ama ciyaartooy ah waxaad u baahantahay intaa in ka badan.

Jamashada cusbada wuxuu xiriir la leeyahay dhowr cudur oo ay ka mid yihiin sonkorowga, dhiigkarka iyo dhiigyarida qaar ka mid ah.

Waa in aad baaritaan heerarka hormoonnada ee qanjirkaas la sameeyaa si loo ogaado in uu si fiican u shaqeeyo iyo in kale.
Haddii ay jirto dhibaatadaan waa in aad badsataa qaadashada bootaasyamka iyo vitamin C-ga.

Haddii aad qabto suáalo dheeraad waad na sii weydiin kartaa.
SomaliDoc
Title: Re: Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?
Post by: Samawade180s on September 10, 2009, 12:45:43 AM
asc.w.w aadad ugu mahsan tahaysida wanaagsan ood iga jaawabtay su'aalaheyga waxan kaloo kuweydiinlaha su'aalahan 1. sidee looga badbaadi kara how gabka ku yimaada adrenal gland? 2.  jamashada cusbada malayaayba in aan kaqaado sonkor ama wadna xanuun ama dhiig kar ? 3.  maadada potasium malahela iyadoo kaniina ah ama syrup ah? 4. cudurkaan ilmaheyga dhaxal ahaan ma uqaadi karaan ?  w/s/c
Title: Re: Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?
Post by: SomaliDoc on September 19, 2009, 11:03:59 AM
1- Kowda hore waa inaad hubsato in aad qabto cudurkaan.
2- Jamashada cusbada xiriir wey la leedahay dhiigkarka wayna u darantahay
3- Maadada potasiyamka waa la helaa iyadoo kaniini ah
4- Haddii adiga dhaxal aad ku qaaday haa

Talo: baaritaan dheeraad ah ayaa u baahantahay si loo hubiyo in aad cudurka qabto iyo in kale.
Title: Re: Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?
Post by: Samawade180s on September 25, 2009, 03:39:44 PM
asc.w.w ahalan wasahalan aad ayaad ugu mahadsan tahay walaal
Title: hargab?
Post by: Samawade180s on October 04, 2009, 07:32:32 PM
asc.w.w ahlan wasahlan dhamaan waan salaamaya  dhamaan memberada webkaan waxan salaan gaar u diriya dhaman dhaqaatirta webka ..................
su'aal aan wata waxaan jeclaan laha in aad iga jawaabtaan sida ay idin la atahay ....
waxaan isku arkay hargab , hargabkaas haduu 3bil iga maqnaado wuu iga soo laabanaya iska haduu igu dhaco wuxuu i haynaya muddo 3week so waxaan idinka codsanaya in aad i faahfaahisan wax yaabaha lagu daweynkaro iyo siyayaabaha looga hortagi karo ?


wana mahadsantihiin.
Title: Re: Suáal: Cunto cusbo laáan ma cuni karo?
Post by: SomaliDoc on October 06, 2009, 11:14:22 PM
Qoraalladaan akhriso:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2092.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2092.0.html)
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2089.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2089.0.html)