Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Momar on March 25, 2016, 04:07:54 PM

Title: Su'aal: Gabadh yar aan dhalay oo 2.5 jir ah waxaan siiyaa cusbo?
Post by: Momar on March 25, 2016, 04:07:54 PM
dhakhtar waxaan doonayaa inaan ku waydiiyo gabadh yar aan dhalay oo 2.5 jir ah waxaan siiyaa cusbo afka ah oo biyo lagu qasay dhowr dhakhtar ayaan geeyey waxay ka qaadeen saxaro waxay ka heleen becteria laakin ilaa iyo hada dawada waxba umay tarin kaliya waxaa wax tar u leh cusbada.
Title: Re: Su'aal: Gabadh yar aan dhalay oo 2.5 jir ah waxaan siiyaa cusbo?
Post by: SomaliDoc on April 04, 2016, 01:56:51 PM
Cusbada ma waxaa ka wadaa "ORS"-tii la qasayay oo fuuqbaxa ka hortagaysay mise waa wax kale?
Shubanka gabadha siduu u egyahay? ma biyo mise waxbaa ku jiro, haddii ay wax ku jiraan siday u egtahay? Ma jirtaa inaad daawo antibiotic tira badan dhawaan soo siisay?
Fadlan ka soo jawaab su'aalahaas.