Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qawdhan on March 11, 2017, 02:00:42 AM
-
Asc dr mahdi slnta islamka kadib dr sida hagar la'aanta ah ee ad bulshadada ugu shaqeyneysid aad ban kaga mahad celineyna wanan ku ogney tariikhduna iyada is qorta dibna isku aqrida ee Alleh ha ku xafido.
dr waxan raba in aad iga caawiso arin yar oo toddobad yadan ugu dabeyey iguso koradhey.
dr muddo imika ilaa laba week ah waxan i helay arin aan layaabey dr sidan u joogo ayan qufacaya oo waliba sidii wax saxdey oo kale kadib xoog ban u qufacaya oo sidii wax cunaha wax igaga istageen baa naqasku i qabanaya oo qufacu igaso wada baxeyn kadib candhuuf iyo balqan aad u badan baan tufaya oo cunaha iyo laabtuna waxay u muuqanayan in ay balqan badan i fadhiyan madaxuna aad buu i xanuunaya markan qufaca wado in yar kadibna wuu i ladnaanaya arintaas baa dr i haysata muddo 2weeks
ah oo waliba waxa la mooda maalmahan dambe in markan qufaco ee candhuufta iyo balqanka ama dheererk hore ee qufaca lasocda aan isk tufo in mid in yar oo dhiga wadata ku xigto ee dr bal igaso jaahil saar waxad u maleyneyso iyo waxan talo ee aan sameeyo? wcs Alleh ayey mahad oo dhami u sugnaatey.
fiiro gaar ah dr qufacu maaha mid joogto ah ee waa marmar sidii wax saxdey oo kale mana sii dheeranayo ee waa markaas qabka saxashada u eeg ayamihii hore duri baa i helay kadib buu waxana la socdey lkn imika durigii ima hayo ee waxan marmarka ah ee waliba mararka aan hoos u sheekeysanayo ama aan isla faqayo aya lamooda in qufacu cunaha hoostisa kaso bilaamayo. lkn wax intaas dheer oo xanuun ah ama lasocda ma jiro nooc kasta oo ay tahayba.
-
Duriga ama hergabka wuxuu reebaa badanaa qufac wata candhuuf ama xab adag, taasoo ka timid caabuq marinnada hawada ku dhashay iyadoo uu ka faai'idaystay difaaca yarida durayga uu keenay.
Badana markay sidaa noqoto antibiotics / qallajiye ayaa la qaataa waana laga fiicnaadaa, qof walba sidaa ma noqdo dadka qaar ayaa sidaa noqdo waxayne ku xiran tahay qofka caafimaadkiisa guud, nafaqadiisa, inuu balwad leeyahay sida sigaar cabis iyo wixii la mid ah ama in hergabka ku dhacay uu ka duwan yahay kii bulshadu taqaanay oo uu yahay mid safar ku yimid oo uu keenay qof meelo kale ka soo dhoofay.
Laakiin mar walba waxaad u baahanaysaa in feerahaaga la dhagaysto, xaaladaadan la qiimeeyo, hadduu qufacaas uu muddo laba usbuuc uu dhaafo, qandho uu keeno, cunno xumo iyo dhidid badan habeenkii markaas waa qasab in aad dhakhtar ula xiriirtid si lagaaga baaro xanuuno kale sida Tiibishada.