Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 27, 2018, 01:33:16 PM

Title: Liinta oo lagu dhibciyo Indhaha - Muhiim!
Post by: SomaliDoc on November 27, 2018, 01:33:16 PM
(http://somalidoc.com/Topics/liintaragga.png)

Liintu waa miro faa'ido badan u leh jirkeeda, horayne waxaan uga hadalnay faa'idooyinka caafimaad ee laga helo oo aad link-gaan ka akhrisan kartaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6699.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6699.0)

Intaas kadib, bulshada qaar ka mid ah ayaa liinta u isticmaala indhaha iyagoo aaminsan in xanuunka daafka ay daawo u tahay oo jeermiska lagu dilo, sidoo kalane in indhaha inay nadiifiso oo wasakhda ka soo saarto maadaama qofka uu aad u ilmeeyo.
Link-gaan ka ogow waxa uu yahay daafka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1121.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1121.0)

Liinta waxaa ku jirta maaddo aashito ah oo loo yaqaano "Citric Acid" taasoo xuubka indhaha dhaawici karta haddii la joogteeyo, sidaas darteed laguma taliyo mana habboona in indhaha lagu dhibiciyo liinta.

Haddii indhuhu ku xanuunayaan, fadlan dhakhtar la xiriir si laguu baaro, kadibne daawada ugu haboon laguu qoro, haddiise aad u baahan tahay faa'idada liinta waxaad heli kartaa adigoo cuna ee indhaha ha ku shubin.

Qoraallo xiriir la leh:

Su'aalaha caafimaad waxaad ku soo diri kartaa qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)