Somali Medical Forums

Health Related Forums => Topics in Healthcare => Topic started by: CilmiSabca on December 01, 2011, 12:32:03 PM

Title: Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Khat-ka. (Khat-ka waa la dhaliilaa, lamana joojiyo!)
Post by: CilmiSabca on December 01, 2011, 12:32:03 PM
Dhibaatooyinka caafimaad ee mukhaadaraadka Khat-ka =Jaad; ~ Qaad, ma aha kuwo lagu soo koobi karo qoraal hase ahaatee, boggeena caafimaadka ee somalidoc ayaan ku yara qaadaa dhigayaa dhibaatooyinka caafimaad ee Khat-ka oo kooban.
Khat-ka, marka hora-ba waa maandooriye, sababta waxa ay tahay isaga oo qofka ka dhiga qof waqtigiisa oo dhan ay wax ka si yihiin. Tusaale: qofka oo waqtigiisa marna khatka raadiya marna raamsada. Khatka wuxu sidaas qofka uga dhigaa isaga oo ay ku jiraan 2ba maado oo kala ah {1} Cathine (dnorpseudoephedrine) maadadaan oo ku jirta khatka cusub gaar ahaan caleen yar yar ee cas cas, kaathintu waxay keentaa in uu qofku fuul noqdo oo uu hadalka IWM daldalmo. iyo {2} Cathinone, oo iyana ku jirta khatka in xoogaa ah yaalay ee ay leyrtu ku badatay. Inkasta oo maadada kaathinoontu ka saameyn yar tahay maadada kaathiin haddana labaduba maanka ayey dooriyaan, waxaanay sababaan in uu qofku saddex waxyaalood ka faa'iideysan waayo muddada uu barjeynayo iyo inta ka dhiman barjeynta labaad. Waxa weeye saddexdaasi:
-rabiddii cuntada oo uu ka fogaado.
-xiisihii galmada oo ka dhamaada ama uu rabo haddana uu ka lalabeynayo.
-raaxadii hurdada oo uu daal & dhafar ku waa-bariisto...
Dhibaatooyinka kale khadka waxaa ka mid ah, qofka Salaadaha aad uga waswaasa ama aan tukanba ama iska daba taha!
Qofka oo shaqada amaah u arka ama caga jiid ku shaqo taga.
Qofka oo uu iimaanku ka lumo isla markaana noqda mid ku dhaca waxyaabo mamnuuc ah, sida isagoo qaada dhabaha maandooriyeyaasha kale, isagoo dajiya khidado iyo kaartooyin halis ah iyo isagoo macsida dalaq yidhaahda. Qofka khatka cuna marna uma muuqdo qof danta qoyskiisa xil weyn iska saara, badanaaba wuxuu sababaa fowdo ka dilaacda qoyska kaasoo ay sababto cudurka shakiga (paranoia) oo uu khatku keeno. Haddaba, khatka waa la dhaliila lama-se joojiyo. Waxaa muhiim ah in la sameeyo wacyi galin lagu baraarujinayo dadka sidii ay khaatka & waxyeelooyinkiisa caafimaad, dhaqaale & dhaqan bulsho uga fogaan lahaayeen. Waad ku mahadsan tihiin waqtigiina aad topic-gaan siisateen.