Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on January 16, 2016, 04:35:30 PM

Title: Haaraha Wajiga: Sidee loo baab'iyaa ?
Post by: SomaliDoc on January 16, 2016, 04:35:30 PM
(http://somalidoc.com/Topics/haaraha.png)

Qoraalkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay haaraha wajiga ku samaysma.
Haaraha waa dhibicyo madmadow ama ka badalan midabka jirka oo ku badan dhalinyarada iyo dumarka da' dhaxaadka ah, waxayna ka timaadaana in unguyada jirka midabeeyo oo ku bato meelo jirka ka mid ah khaas ahaan wajiga qeybtiisa kore iyo daamanka.
Haaraha qaar waxay tilmaan u noqon karaan xanuuno kale sidaa daraadeed haddii aad isku aragtid haaro ama midab ka duwan jirkaaga oo ku faafayo qeyb jirkaaga ka mid ah waa in aad la tashataa dhakthar ku taqasusay cudurada maqaarka.

Haaraha sida dabiiciga ku yimaado oo aanan xiriirka la lahayn xanuuno kale waxaa loo aaneeyaa qoraxda, waxayna ku badan tahay dadka badanaa ku nool dhulalka kuleelaha, waxaa kaloo lala xiriiryaa da'da oo waxay dhakhaatiirta qaar u taqaanaa "age spots" maadaama haaraha qaar ay ka soo hormaraan markii maqaarka uu yeelan rabo kaduudkii duqnimada.
Dadka ugu badan oo welwelka uu ku hayo waa dumarka, waana dadka ugu badan oo dhakhaatiirta ugu tago arintaan.

Haaraha wajiga waxaa kaloo lala xiriiriyaa dhaxalka, dadka qaar way kala dhaxlaan, waxaa kaloo haaraha wajiga la socon karaan xilliga uurka, taasoo labada daaman ka madoobayso dumarka waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "chloasma" waxayna la xiriirtaa isbadalada hormoonka ee jirka ku dhaco waana haaro qarsoomo markii ay hooyada dhasho, waa mid dabiici ah oo wax laga walwalo ma ahan.
Dadka ugu badan waxay haaraha uga imaadaana iftiinka qoraxda oo dadka qaar xasaasiyad ku qaba.
Haaraha wajiga ee ku dhacdo dhalinyarada waxay badanaa la xiriirtaa findoobka iyo isbadalka hormoonada ku dhaca, fadlan akhriso qoraal ku saabsan arintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2102.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2102.0.html)

Haaraha waxay kaloo ka soo baxaan dadka u nugul welwelka iyo diiqada, dadka qaato daawooyinka ka hortagga uurka, haweenka dhalmo deyska ah.

Waxay kaloo haaraha wajiga ku badan yihiin dadka qabo xasaasiyada sida sanboorka iyo caabuqa sanqada, akhriso qoraal ku saabsan sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html)

Waxyaabaha kale ee keeno haaraha waxaa ka mid ah daawooyinka qaar sida daawooyinka ka samaysan hormoonka, qallajiyayaasha sida daawada "tetracycline" iyo "sulfonamides", daawada qalalka ee "phenytoin" iyo daawooyinka loo qaato cudurada dhimirka sida "phenothiazines" iyo daawada loo qaato wadnaha ee lagu magacaabo "amiodarone"

Xanuunada keena haaraha wajiga waxaa ugu caansan xanuunka beerka, xanuunada ku dhaca qanjirrada hormoonka soo daayo sida "thyroid"-ka, akhriso qoraal ku saabsan xanuunka thyroid-ka oo aad ugu badan haweenka soomaaliyeed: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html)

Sidee looga hortagi karaa Haaraha wajiga?

Talooyin:
Waxan kula talin lahaa dadka ka cabanayo arintaan oo welwelka ku hayso in aysan arintaan noqon wax ka hor istaaga noloshooda in ay ku raaxeestaan ama ka xishoodaan wajigooda in la arko haaro, waxaan kula talin lahaa in ay iska ilaaliyaa daawooyinka kiimikada leh ee farmashiyada laga gato oo la marsado wajiga waxaa dhici karto in haaraha iyagoo dabiici ah oo dhici karta si dabiici ah in ay iskaga baaba'aan in ay isbadalaan markii la mariyo kareemyo kiimiko ku jirto taasina ay ku noqoto mid joogto ah, haddii aad ka shakisan tahay in ay cillad kale jirto fadlan la xiriir dhakhtar ku takhasusay cudurada maqaarka.
Waxaan kaloo haweenka kula dardaarmi lahaa in ay akhristaan qoraal ku saabsan daawooyinka wajiga la marsado ee la isku cadeeyo dhibaatooyinka ay keenaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4179.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4179.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Haaraha Wajiga: Sidee loo baab'iyaa ?
Post by: Yassin Sheikh on June 19, 2016, 06:18:43 PM
Aniga finan wajiga ah ayan leyahay inta badan melaha kulul Markan tago ayay u daranyihin o ey shucaac Farabadan noqdaan we sides u daweyaa