Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Soomaali on January 26, 2011, 09:21:12 PM

Title: HEERKA CAAFIMAADKA DALKA SOOMAALIYA WAA SIDEE???
Post by: Soomaali on January 26, 2011, 09:21:12 PM
Soomaaliya oo ah dal ku dhowaad 20 sano dowlad la'aan ah, oo dadkiisa ay baabi'iyeen, waqtigaa dowlad la'aanta ah dalka waxa uu dhaxalsiiyay in kaabayaasha bulshada oo caafimaadku ka mid yahay inay burburaan.
marka aad eegtid qalabka lagu shaqeeyo iyo aqoonta dhakhaatiirta wadanka ka shaqaysa waxad dareemaysaa in wax badan inaga dhimanyihiin. sido kale dadka daawada gada oo iyagu ganacsi un pharmasiyo u furta oo aan aqoon u lahayn daawada ay gadayaan, wiilka shaybaarka jooga oo aan garanayn waxa uu baarayo, ama marka dhakhtarku cudur u soo xadido buug iyo waxa uu ka arkay shaybaarka isu eega oo hadii ay isu egaan wayaan Negative ku soo qora warqada shaybaarka.qalabka qaliinada lagu sameeyo iyo qaabka qaliinada loo sameeyo oo aan ku haboonayn in qof bin aadam ah loo isticmaalo, dhakhaatiir ajnabi ah oo waddamadooda inta ay ka soo carareen soomaliya oo dowlada la'aan ah ka shaqaynayaa su'aasha iswaydiinta mudanina ay tahay Dhakhatarka wadan dowlad la'aan ah ka howl gelaya oo naftiisa halagaya dhakhtar sax ah miyaa???
waxan jeclahay in waxyaabaha aan kor ku soo xusay xubnaha webku ay afkaartooda ka dhiibtaan
Mahadsanidin
Title: Re: HEERKA CAAFIMAADKA DALKA SOOMAALIYA WAA SIDEE???
Post by: Pharmacist on February 05, 2011, 11:09:15 PM
Walaal su'aalahaan qoraalka waa wax jira lagana xumaado, horayne iyo hadaba waa laga doodaa haddii webka aad baarato waad ka helaysaa.
Waxaana u baahanahay in qof waliba uu dawrkiisa ka qaato sidii loo hagaajin lahaa waxyaabahaas qaldan oo aad wada sheegtay.
Dooddii bishaan ayaaba ku aadaneed dowrka xirfadlayaasha caafimaad ee soomaaliyeed.
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3016.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3016.0)

Laakiin su'aasha ah qof ajnabi ah oo ka shaqeysanaya wadan aan dowlad laheyn ma dhakhtar sax ah baa?
taasi jawaabteeda waxay noqon kartaa 3 arrimood horayne loo arkay:
1- In uu yahay takhtar laakiin lacag doon ah oo haddii 10 sano wadankiisa ku shaqeeyo uusan heli karin lacagta uu ku helayo hal sano markuu somaliya ka shaqeysto.
2- In uusan takhtar ahayn laakiin caafimaadka uun wax uga bilaabanyahay oo xayaysiin ahaan ay u soo wateen ganacsato caafimaad ee soomaaliyeed si maqaarkiisa cad ama madaw ay dadka uga gadaan waana wax jira, xitaa hadda gobolladii ayay ku bateen waana arrin u baahan in fiiro loo yeesho.
3- In uu soo qaldamay uusan wax fikrad ah uusan ka haysan wadanka soomaaliya qaabka looga shaqeysto oo dadka badanaa ay aaminsanyihiin dawlad la'aantaan aysan saameyn saas ku yeelanayn oo hadduu qof soomaali ah uu xiriir la yeesho uu wadanka ka shaqeysan karo, haddii uu sidii uu filaayay xaaladda ay noqon weysane way laabteen badankood.

Dadka shisheeye oo takhaatiir ahaanta ku shaqeysato wadanka waxay u badanyahiin dad ku shaqeysto farsamooyinka ilkaha sida ilko buuxinta, dhaqidda iyo bixintaba. mana ahan badankood takhaatiir ilko ee waa farsamoyaqaan ilko waana xirfad jirto oo la dhaho "Dental Technician" waana qofka la shaqeeyo takhtarka ilkaha markuu farsamo ku samaynayo bukaanka.