Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Kowsar on July 24, 2011, 02:21:05 AM

Title: Su'aal: Goitre Thyroid Swelling?
Post by: Umu Kowsar on July 24, 2011, 02:21:05 AM
Asalaamu caleykum aad iyo aad baa u mahadsan tahay  sida aad u caawisan dadka walalihiin ah oo idin waydiinaayo  su aalaha ah ku sabsan caafimaadka   ILAHAY ha adinka abaal mariyo
 
su aasheeda waxa ay tahay waxan qabaa nuuc ka mid ah(Thyroid Swelling) oo loo yaqaano  Goitre  sida ay ii sheegen dhaqaatiir GB waxay ku ogaaden scan  ay iga sareen dhuunta  dhanka   dhiigeyga lagama helin   dhiiga Thyroid.  waa leyga dareemaa  in uu qanjir soo kusan yahay dhanka midig  markii aan dareemay waxay aheed xanuunkiisa sanad iyo bar ka hor waxaa inta badan igu kaca qunka  markaas dhuunta way i xanuuntaa  marka aan qabo hergabka  iyo marka uu dhiiga caadada igu soo socdo xanuun dareemaa   wax daawo ahne iima qorin scan labaad oo ay igu celiyeene waxay ii sheegen in uu yaraaday oo aan soo fiicnaanoyo ALxamdulilah   marka maxay kula tahay in ay keeno cudurkas  maxaase daawada u ah maxaase igula talin laheed waxan rajeynaa intuu ILAHAY kaa baray aad naago sheegi doontit insha ALLAH  su ashane waan dheereyay iga raali ahaada  waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Goitre Thyroid Swelling?
Post by: SomaliDoc on July 29, 2011, 07:41:43 PM
Goiter waa qanjirka toroodhka oo bararo waxaana keeno waxyaalo badan oo lagu ogaan karo baaritaan.
Haddii qanjirka shaqadiisa ay yaraato wuu bararaa, haddii ay shaqadiisa badatane wuu bararaa sidaa dartee nooca aad qabto waxaa lagu ogaadaa baritaan xagga dhiigga ah.

Labadaba nooc iyo farqigooda waxaan uga hadal su'aal hore oo halkaan aad ka akhrisan karto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3273.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3273.0.html)