Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Waxbaro! on November 24, 2007, 08:39:06 PM

Title: Deeq dhan 100,000$ oo la siiyay dalka Jabuuti
Post by: Waxbaro! on November 24, 2007, 08:39:06 PM
Hay'ada lagu magacaabo (USAID) loona soo gaabiyay United States Agency for International Developments ayaa deeq lacageed oo dhan 100,000$ siisay hay'ada UNICEF ee ka hawl gasha dalka jabuuti.

War ay soo saartay hay'adaan webkeedane ku qoran ayey ku sheektay in lacagtaasi loogu talagalay in looga hortago cudurka koleeraha iyo in lagu xoojiyo nadaafada guud iyo biyo nadiif ah.

Taasi oo ka dambeysay markii wasaarada caafimaadka ee dalka jabuuti ay sheektay in cudurka koleeraha uu ku faafayo meelo ku dhawdhaw caasimada dalka jabuuti sida Dikhil iyo Tadjourah.

Wasaaradu waxa kale ay sheektay in ku dhawaad 1000 qof ay cudurka shubanka la iil daranyihiin laga soo bilaabo bishii september, 40 xaalad oo cusub maalin walbana la arko.
http://www.usaid.gov/press/releases/2007/pr071121_3.html

Waxbaro!