Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fahmo on February 28, 2016, 11:35:14 AM

Title: Su'aal: Waxaan ahay qof laf iyo hilib le?
Post by: Fahmo on February 28, 2016, 11:35:14 AM
asc wr wb  waxan aad u salamaya dhakhsatiirta ka hawl gala bogan salan ka dib waxan doonaya inaan waydiiyo su aal  su asha aso ah waxan ahay qof laf iyo hilib le hilibkaygu se wuxuu ku eeg yahay qaarka sare mise jidhka xagiisa sare taso runti dhib badan igu haysa haday lugaha o i xanuuna noqoto iyo waliba anigo dhalintan is leegayn raaci kari la waayo iyado dadaydu aanay waynan hadana qofkii i arka wuxuu ii malaynaya qof wayn iyo dhibatooyin kale oon ku qabo xaga bulshada taasi yelkede awal ban bili adan laga aman galayne waxan isku dayay in badan in aan iska yareeyo hilibka jimicsi baan samayaa cunooyinkaygi waxban ka badalay balse sidi uun ban ahay haday wax iska kay dhimana inta hoose uun bay iska dhiman marka bal walaalayaal haday jiran wax talo cafimad iyo talo kale oo aan  sameeyo igu caawiya taladiina alle ha idnka raalo noqdo
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay qof laf iyo hilib le?
Post by: SomaliDoc on March 06, 2016, 12:39:12 PM
Korriimada qofka, way ku kala duwanaan karaan, waana abuuris ilaahay oo badanaa salka ku hayso dhaxal, dadka qaar baa qeyb kore ka koro, qaar baa qeybta hoose ka koro, qaarbaa meelo gooni ah ka koro sida caloosha, barida, bowdyaha, garbaha, cagaha iyo wiii la mid ah.

Waxaa jiro xanuun ku dhaca xididka dhiiga u soo qaado jirka qeybtiisa hoose oo wadnaha ka soo baxo cillad ku timaado, kaasoo keeni karo in qofka uu qeybta hoose safiican uga korin, waxaad ka akhrisataa halkaan qoraal ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5820.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5820.0.html)

Laakiin ogow, dad badan oo sidaada oo kale ah, wax cudur ah ma qabaan.