Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdalle78 on August 27, 2016, 10:03:55 AM

Title: Su'aal: Hurdada isla markiiba wax la cuno?
Post by: Cabdalle78 on August 27, 2016, 10:03:55 AM
asc
1. Haddii cunto culus ama mid fududba intaan cuno aan isla markiiba seexdo, cuntadaas miyay dheefshiid xumo ku dhacaysaa?
2. Ma wanaagsan tahay in cuntada markii la cuno isla markiiba la seexdo?
3. Haddii jirka uu ka faaidaysan waayo cuntadaas dheefshiid xumo darteed, cuntadaas jirku ma qashin ahaan ayuu isaga saarayaa mise si kale ayaa loo galayaa?
4. Dr dadka qaar baa waxay qabaan in haddii la isku cunno kalluun iyo caano laga qaado calool xanuun ama daaco qudhun, arinkaas ka waran dhakhtar?

Ilaahay  haku barakeeyo dhakhtar adiga iyo inta web-kan dadka ugu adeega.
Title: Re: Su'aal: Hurdada isla markiiba wax la cuno?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2016, 06:31:16 PM
Halkaan ka akhriso qoraal aan ku faahfaahinayno hurdada la jiifto cunnada ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6569.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6569.0.html)

Midda ku saabsan in halis caafimaad ay ku jirto isku cunidda kalluunka iyo caanaha, ma ahan wax cilmi ahaan la xaqiijiyay, ma keenaan baras iyo dheefshiid xumo ama daaco qurun intaba, waxay dhibaan kaliya dad gooni ah waxayna qabaan waxa loo yaqaano "protein allergy", dadkaas way ku qasmi karaan cunnooyinkaas, furuurucne wuu ka soo bixi karaa.