Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zamzam Abdirrahman on October 21, 2016, 11:54:47 AM

Title: Su'aal: Maxa keena dhiig iyo dheecan ka yimada gabadh uur leh?
Post by: Zamzam Abdirrahman on October 21, 2016, 11:54:47 AM
Waxan ahay uur 15 week's waana uurki u horeyay. laba week ka hor waxan isku arkay dhiig waxan aaday Doctor wuxuna iso siyay Duphaston 10mg. Kadib waxan ku noqday doctor wuxuuna yidhi ilmuhu wuu fiican yahay.
Markan laba ama sadex cisho joogo waxan isku arkaa qoyaan buni ah wax ur ahna malaha oo hal Mar aan isku arko markiibana taga
Markaa maxaa keeni kara dhecaanka?
Title: Re: Su'aal: Maxa keena dhiig iyo dheecan ka yimada gabadh uur leh?
Post by: SomaliDoc on October 27, 2016, 03:17:55 PM
Wuxuu noqon karaa dilanka nooca loo yaqaano "Threatened Abortion" taasoo macnaheeda ah, dilan aan dhameestirnayn, hooaydane ay ka badbaadi karto, waxaad u baahan tahay nasiino dhameestiran oo aadan sariirta ka soo dagaynin, dhakhtarkane joogto ula xiriirtid.

Waxaa kaloo suuragal in infekshan jiro, khaasatan haddii dheecaanka aad isku aragtay inta dhiiga uusan bilaaban, dhabar xanuunne uu la socday ama xanuunka aad horay iskugu ogayd.

Taldayda waa in aad nasataa oo aadan culeys qaadin, socodka badan xadid, hadduu sii socdo ku laabo dhakhtarka.
Akhriso qoraal ku saabsan dilanka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0)