Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on August 13, 2018, 05:43:48 PM

Title: Su'aal: Waa maxay "Priapism"?
Post by: Ahmed_Carab on August 13, 2018, 05:43:48 PM
Asc .. su'aal ayaan qabaa ee haleyga jaahil bixiyo fadlan:

Waa maxay "Priapism"?
Ma cudur-baa mise waa xanuun?
Goormaa ayaa la dareemaa?
Yuu quseeyaa; xaasle mise non xaasle?
Title: Re: Su'aal: Waa maxay "Priapism"?
Post by: SomaliDoc on January 22, 2019, 08:47:10 PM
Priapism waa xubinta taranka ragga oo adag / taagan muddo dheer iyadoo ax dareen kacsi ah uusan jirin, waa badanaa cillad ka dhalato isticmaalka daawooyinka qaar sida kuwa loo qaato diiqada iyo kuwa awoodda galmada lagu xoojiyo qaarkood.

Waxaa xaaladaan lagu gartaa in xubintu kacsanaato in ka badan 4 saacadood, taaso qofku dareemayo xanuun iyo danqasho siyaado ah.

Waa in qofka xaaladaan haysato loo fidiyaa gargaar degdeg ah iyadoo baraf la saarsaaro, haddii taasi ay wax tari wayso waa in qulqulka dhiigga ee xubinta ku xanniban si dhakhso ah looga saaraa haddii kale xubinta ayaa dhimanayso, kacsi dambane ma jiri doono.