Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hamiida on May 23, 2017, 08:39:06 AM

Title: Su'aal: Irbada fadhiisata caruurta?
Post by: Hamiida on May 23, 2017, 08:39:06 AM
ASC dr waxaan Odin waydiin lahaa odinkoo mahadsan irbada caruurta lagu mudo waliba intay yaryyihiin EE talaalka ah markay fadhiisato waxa ladhahaa luga tay fadhiisato way gaabataa maxaa ka jira hadii ay fadhiisatana sideen u burburin karaaa maadaamu ilmahayga adin buurantahay halkii lagamuday

FG:hadii ay dhib leedahay fadlan jawaabta iigu dhokhsada si aan dhakhtarkiisa ugu celiyo welwelbay igu haysaa mahadsanidi :'(
Title: Re: Su'aal: Irbada fadhiisata caruurta?
Post by: SomaliDoc on December 02, 2017, 09:03:20 PM
Markay lugta la gaabanayso cirbadda darteed maahan inay fadhiisatay kaliya ee waxay dhaawac gaarsiisay neerfaha sinta illaa lugta mara ee loo yaqaano "Sciatic Neve", markaasne burburin kaliya wax kama tarayso oo waa in qofka wax talaalayo uu aqoon u leeyahay meesha neerfaha uu maro si uu uga fogaado, haddii cirbad meel fadhiisato way buurataa kaliya, kadibne haddii aysan baab'in malax ayay isku badashaa waana la dillaaciyaa laakiin lug ma gaabiso.