Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamiila on February 16, 2015, 02:26:35 PM

Title: Su'aal: Xanuun inta u dhaxaysa naaska bidix iyo dhuunta?
Post by: Jamiila on February 16, 2015, 02:26:35 PM
asc dhamaan dhaqatirtena qaali ah  waa ku mahadsan tihiin sida wanagsan oo  aad ugu jawaabtan su,aalaha  thanks  alot         
su,aasheyda waxey tahay  xabada ayaa ii axanuun lkn    ma ahan xabadka oo dhan ee waa naaska bidix iyo dhuunta inta u dhaxeysa  waye hadii aan gacanta ku riixo xanunka waxaan ka dareema lafta mana ahana  wax joogta ah  oo marwalba  ii xanuuna,   xanunka xabadka waxaan saa.iid u dareema  markaan qubeysto oo kale ,  hada ka hore ayaa gaas liga helay  waxaan qadan jiray dawada gaas  waa ku fiicnaaday ilaa hadane waa qataa ,  sidoo kale waxaa ii  xanuuno feeraha waxaad mooda  sida qof xamaali ahaa oo wax culeys ah qaaday oo  kale waxaan  leeyahay deeco badan oo mararka qaar waxaad mooda deecada iney igu xirmeyso oo kale   xoog ayaan iska kaga keena   sidoo kale
 markuu gaaska ugu kacsan yahay  dhuunta wax sida dhagaxa  oo kale ah ayaa ii so istaagayo , walow aad horay ugu hadasheen xabad xanuunka iyo feeraha lkn aniga kan ii haayo waxaan mooda inuu ka duban yahay xoogaa/    insha allah waxaan rajeynaa  inaad fahmi doonta qoralka,   thanks
Title: Re: Su'aal: Xanuun inta u dhaxaysa naaska bidix iyo dhuunta?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2015, 01:24:31 PM
Fadlan xanuunada xabadka ku dhaco way tiro badan yihiin laakiin waxaa lagu kala sooci karaa astaamo cudur kasta u gaar ah ee fadlan qoraal akhriso ee ka faaidayso waxa uu xanuunkaaga u eg yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html)
Kadib dhakhtar la xiriir si lagaaga shakki bixiyo, hadduu jirane daawo lagaaga qoro.

Midda labaad gaaska wuu keenaa xabad xanuun iyo wadna garaac labadaba, xabad xanuunka gaaska wuxuu ku aadan yahay lafta sakaarta loo yaqaano ee xabadka isku heyso lafaha feeraha, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunada gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.