Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on February 09, 2012, 01:44:08 AM

Title: Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?
Post by: CilmiSabca on February 09, 2012, 01:44:08 AM
Asc. Salaan ka dib.
Dhakhtar, waxaan mar walba isku dayaa in aan bixiyo ciladda korontada ee gurigeyga, waxaana mar walba dhacda in ay i qabsato (oo ay igu dhagto), lkn, markiiba waan ka fuqaa (degdeg baan uga dhifsadaa) waxa ayna inta badan iga qabsataa faraha. Korontadaan oo ah ilaa 110v tan iyo 220v.
Haddaba, Dhakhtar, waxaan marmar dhif ah gaar ahaan habeen habeen isku arkaa gargariir sida kan bisada (cat) ay sameyso kolka ayadoo fiigsan la qabto, gariirkaan oo aan aheyn lalleelmo ama tabardari toona, muddo kooban ka dibna wuu iska tagaa anigoo aan waxba ka soo qaadin. Waxaan markaas is idhaahdaa malaha korontadii mar walba kugu dhag dhagi jirtay baa waxaan u sabab ah. Sidaa darteed Dhakhtar, korantada guryaha iyo tan gaadiidka ee sparking ka la yidhaahdo, ma sababi karaan Caafimaad xumo dambe haddii ay qofka in badan ku dhag dhagaan oo uu ka fak fakado? Thank you Doctor and to every1 in Somalidoc.com.
Title: Re: Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 08:00:55 PM
Korontada waxay saameysaa shaqada wadnaha markii qofka ku dhegto, haddii saameyntaas ay gaarsiisan tahay heer korontada wadnaha qalqal galiso waxaa laga yaabaa in saameyn kugu reebto.

Taasi waxaa ka daran haddii qofka ag dagan yahay ama hoos dagan yahay meel koronta foltage keeda aad u sarayso ay marto, maxaa yeelay waxaa la ogaaday caruurta ku ag nool koronta heerkeeda ka sarayso 2.5 milli Gauss.

Korontada haddii si joogto ah kuu qabqabato waxaa laga yaabaa in saameyn ku yeelato dareenka neerfaha jirkaaga.

Fadlan iska ilaali korontada caafimaadka uma roono.
Title: Re: Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?
Post by: CilmiSabca on March 27, 2012, 09:57:25 AM
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Dhakhtar.
Dhinaca kale, Dhakhtar, haddii aan dhabteyda saarto anoo isticmaalaya qalabka ay ka midka yihiin: laptop-ka, keyboadka iyo aaladaha kale sida ampifierka Iwm oo qaarkood wireless ah, ma laga yaabaa in ay wax u geystaan caafimaadkeyga iyagoo aan toos ii qabsan laakiin shucaac ahaan ii qabsada? Sidoo dhalada tii fii-ga haddii aan ag fadhiisto saddex meelood laba cabirka dhalada tv-ga, ma waxay iyaduna leedahay falaaro danabaysan oo u gudba indhaha iyo jirka? Dhalada Tv-ga inta badan waxaan ka daawadaa cabirkeeda oo ii jira marka la cabiro saddex laab. Haddana waxaa dhacda in ay dadka qaarkood sida shaashada Computer-ka u ag fadhiistaan. Marka Dhakhtar, maxaa ka imaan kara shucaacyada qarsoon. Tnx.
Title: Re: Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 06:44:01 PM
Arinta ku saabsan shucaaca ka soo baxo qalabyada korontada ku shaqeeyo la iskuka waafaqsano, waxayna u kala qaybsamaan cilmi baarayaasha 3 qeyb.
Qeyb waxay tiri dhibaato way keenaan oo badana waxayna saameeyaan shaqada wadnaha iyo xubnaha kale oo sensitive-ka sida xaninyaha oo kale
Qeybne waxay tiri, markii baaritaan la sameeyay waxaa la ogaaday in wax saameyn ah uusan reebeynin inkastoo laga yaabo saameynta in ay qaadanayso dhowr sano oo hada aan la daremi karin.
Qeybne waxay tiri wax dhibaato ah maba keento.

Marka si aad dhibaato isku gaarsiinin mobeylka ha gashanin jeebkaaga kore ee wadnaha ku aadan, alaabtaada hoosane ka ilaali in aad u dhaweyso qalabyada aad ka dhawaajisay.
Title: Re: Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?
Post by: CilmiSabca on April 08, 2012, 05:44:04 PM
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay :D