(http://www.somalidoc.com/Topics/Qaamuus.jpg) | Salamu Alaikum Waxaan maanta xubnaheenna sharafta leh la socodsiinaynaa meel walba ay joogaan in uu hirgalay heliddii qaamuus caafimaad oo af-soomaali iyo english ah. Qaamuuskaan caafimaad waa kii ugu horeeyey noociisa ah. Ma jiro mid la mid ah. Waa qaamuus si wanaagsan looga soo shaqeeyey aadna u anfaca isticmaalka guriga, ardayda barata maadada caafimaadka, ama kuwa barta kalkaaliyenimada, dadka la shaqeeya waaxaha caafimaad iyo xiriirka u dhaxeeya takhtarka iyo bukaanka. Wuxuu ka koobanyahay in ka badan 5000 oo erey, oo isugu jira cudurada, daawooyinka, cilada hiddo wadeyaalka firkooda iyo sida loo daaweeyo. Waxaa kale oo sii dheer qaliinka iyo sida loola xaajoodo takhtarka nooc walba uu yahay. Qaamuuskaan oo qoristuusu qaadatay muddo dhan 3 sano ayaa waxuu soo gabagaboobay bishii January ee bilawga sanadkaan 2011. Qaamuuskaan waxaa qoray Dr. Liibaan Ali Diriye oo ah takhtar ku taqasusay cilmiga dhiigga "Heamtology" ahna qoraa xiiseeya qoraallada caafimaadka kuna nool dalka ingiriiska. Ardayda caafimaadka ka barato dalka gudihiisa waxaan ugu bishaaraynaynaa in qaamuuskaan ay ku heli doonaan si bilaash ah iyadoo qoraaga ku talo jiro inuu soo booqdo bilaha soo socdo jaamacadaha caafimaadka ee ka jira dalka. Qaamuuskaan warbixintiisa waxaad ka heli kartaan webka (www.pharmedic.org.uk (http://www.pharmedic.org.uk)) |
A/C Xageen kaheli karaa qaamuuskaan?Qaamuuskaan warbixintiisa waxaad ka heli kartaan webka (www.pharmedic.org.uk (http://www.pharmedic.org.uk))
Salaam Caleykum WW,
walaal yal booggan wa boog aad iyo aad uu fiicaan. waxaan isticmalla asigoo english ah oo ah dabcaadi OXFORD clinically boogan boog la miid ah oo medical dictionarry ah ma jiro,marka hadana waa hor mar aad iyo aad uu weyn in an helno asigo luuqadeni ah oo noo fuduud fahamkiisa, madama ay noogo adagtahay kelmadaha qaar oo greek ah iyo macnaheeda oo ah english oo anaga uu dhan. walaaladeen sida Dr Mahdi walaal waxan ka cood saneyna in aan noo shegtiid meesha laga iibsan karo waa uu na anfaca hadi aano nahay somalida wax ka barada dhan cafimaadka. waan jeclan laha in saas oo kale loo turjuumo all bogagta clinical Medicineka ah iyo pathologiga iyo physiologiga oo ay uu bahan yahiin ardaydeena in aay fahmaan qasatan kuwa joogo wadanka oo ku adag englishka. ma adiinku dhereynaayo wadna ku mahad san tahiin.Hussein Haji