Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: MuslimDoc on November 03, 2007, 07:12:03 AM

Title: Nin U Hadiyeeyay Naagtiisa Diyaarad!!
Post by: MuslimDoc on November 03, 2007, 07:12:03 AM
Ninka ugu lacagta badan wadanka hindiya laguna magacaabo "Mokish Embani" ayaa naagtiisa u gaday diyaarad nooca "Air-Bus" ka ah.
Diyaaradaan oo si khaas ahaan loogu sameeyay naagtaan ayaa la gudoonsiiyay sanad guuradeedii 44-aad, diyaaradaan oo leh meel lagu dabaasho, qolol lagu dheelo, television satellite ku xiran, taleefanada fiilo la'aanta shaqeeyo iyo qolol jiif oo heersare ah.

Diyaaradaan oo laga bixiyay 60 million oo dollar ayaa ah diyaaradaha aduunka ugu qaalisan uguna heer sareeya.

Mokashi waa nin ganacsade ah oo leh shirkadaha ugu waaweyn wadanka hindiya kuwaaso ka shaqeeya batroolka, taleefanada iyo qalabyada casriga ah.

Mokashi waxa hada uu ku mashquulsan yahay guri uu rabo inuu ka dhiso Mombay, gurigaasoo kalifi doona 1 milyaar oo dollar, kaasoo noqon doona guriga ugu qaalisan aduunka, gurigani wuxuu ka koobnaan doonaa 27 dabaq looguna tala galay inay dagaan 6 qoys  oo kaliya, gurigaas oo leh eriboor gooni, ayaa ku soo dagaya diyaaradaha qumaatiga u kaco, iyo garaash 6 dabaq ah waxaana ka shaqeen doono 600 qof oo shaqaalo ah.

Waxaa xusid mudan, ninkan wuxuu ka dhashay kuna noolyahay wadan boqolaal million oo shacabkiisa ah ey gaajo u dhimnayaan.

MuslimDoc