Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Faarah 1988 on January 28, 2018, 04:30:49 PM

Title: Su'aal: Qalabka sperma check fertility?
Post by: Faarah 1988 on January 28, 2018, 04:30:49 PM
ASC BAHDA SOMALIDOCTOTORES walal waxaan idin weydiinayaa qalabka sperma check fertility habkee loo isticmaalaa se mala aaminikaraa jawaabta kasoo baxda se hadaan doonayo inaan waxka ogaado shahwadayda badqabkeeda iyo tayadeeda makaga maarmi karaa dhaqtar jawaabta iiga soo baxda

Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Qalabka sperma check fertility?
Post by: SomaliDoc on December 11, 2018, 09:15:41 PM
Qalabka Sperm Check fertility wuxuu sheegaa kaliya tirakoobka shahwadaada inay tahay intii laga rabay iyo in kale, ma sheego tayadeeda, inay cillad jirto iyo nuuca cilladaas, dhowr shirkadood ayaa sameeyo qalabyadaan markaad soo gadatid waxaa la socdo buug yar oo aad ka arki doontid qaabka loo isticmaalayo, waana wax fudud oo qof walbo fahmi kara gurigane lagu samayn karo.