Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on February 05, 2008, 07:56:57 AM

Title: Waa maxay "Angina"?
Post by: SomaliDoc on February 05, 2008, 07:56:57 AM
Angina waa xanuun ama feeraha, gacmaha, daanka ama dhabarka qaybta sare dadka ka qabta oo uu sababo hoos u dhaca dhiigga ku shubma wadnaha.
Wuxuu badanaa dhacaa waqtiga jir dhiska, diiqada ama hawlaha marka xaddiga garaaca wadnahaaga iyo cadaadiska dhiiggu ay kordhaan. Xanuunku waa calaamadda in uusan wadnahaagu heleynin ogsijiin ku filan. Waa calaamad xooggan oo muujinaysa in aad u baahan tahay daaweyn si looga hortago wadne istaagid.
Angina waxaa laga yaabaa iney dadka kula dhacdo:
# Shaqada ama jir dhiska
# Cunidda cunto fara badan
# Sigaar cabidda ama tubaako isticmaalidda
# Heerkul aad u kulul ama aad u qabow
# Dhacdooyin dareen xooggan ama diiqad leh
# Riyooyin fir-fircoon inta la hurdayo
Calaamadaha Angina
# Xanuun ama cadaadis feeraha, gacmaha, daanka, garbaha ama qoorta ah.
Waxaa laga yaabaa in uu meel jirka ka mid ah ka tago oo meelo kale ku faafo.
# Dareemidda in feeruhu jiq ku yihiin, culeys, in lagu majiirayo ama aad gubanayso
# Dhidid
# Neefta oo kugu adkaata
# Lalabbo
# Dareemidda in aad u daallan tahay, war-wareerid ama miyir beelid
Daryeelkaaga
Haddii aad qabtid wax calaamado angina ah, naso ka dibna wac isbitaalka. waa lagu baari karaa si loo arko haddii calaamadahaaga ay sababtay angina.
Takhtarkaaga la soco si aad u heshid qorshe daryeel. Waxaa laga yaabaa in daawo lagu siiyo aad qaadato. Waxaa kaloo laga yaabaa inuu takhtarkaagu kaa rabo in aad cunto cunno uu dufanku ku yar yahay aadna jir dhis billowdid.
Haddii aad wax su'aalo ama walaac ah qabtid halkaan ku weydii.

SomaliDoc