Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 04, 2016, 11:53:34 PM

Title: Taariikhda Xanuunnada Dhimirka Iyo Qaniisnimada (Qoraal Xiiso Leh)
Post by: SomaliDoc on May 04, 2016, 11:53:34 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qaniis.png)

Waxaan qoraalkaan ku soo koobi doonaa jawaabta su'aashii ahayd: Qaniisnimadu ma noqon kartaa xanuun dhimir iyo waalli maskaxeed?

Inkastoo aan wada ognahay waxa diintu islaamku ay arrintaan ka qabto iyo qofkii la yimaadaba, laakiin Waxaan ka hadli doonaa taariikhda caafimaad ee dhibaatadaan.

Dhibaatada qaniisnimada ama waxa loo yaqaano "homosexuality" waa dhibaato qorsheysan oo hadafkeedu yahay in lagu dumiyo tiirarka bulshadu ay ku dhisan tahay dhinac diin, dhinac akhlaaq iyo dhinac dhaqan intaba.

Fasahaadkaan markuu ka billaabanayay maraykanka bilawgii qarnigii la soo dhaafay, waxaa lagaga hortagay diidmo iyo faquuqis lagu sameeyay dadka qaniisiinta ah, tanoo waqtigaas loo arkayay inay tahay xanuun ka mid ah xanuuanda maskaxda ku dhaco maadaama ay khilaafsaneyd nolosha dabiiciga ah ee bulshada "Social Norms", arrintaan waxay keentay qofkii ku kici lahaa arrintaan inuu qarsado maadaama loo arki karo inuu waalan yahay ama u baahan yahay daryeel caafimaad dhinaca maskaxda ah.

Laakiin ololo iyo taakuleen qarsoon kadib, waxaa soo shaac baxay dad aad u tira badan oo fikradaan qabo oo aad loola yaabay, oo weliba samaystay ururo ay ku midaysan yihiin, dadkaasoo ka wada muuqday qeybaha kala duwan ee bulshada, tan ayaa waxay dhakhaatiirta xanuunada dhimirka ku abuurtay wareer, kuna qasabtay in dib loo fiiriyo qeexistii qaniisnimada!.

Cadaadis xoog leh oo ka yimid ururada u dooda xuquuqda qaniisiinta oo weliba taageero siyaasadeed ka heesto dad awood ku lahaa bulshada mareekanka ayaa waxay ku guuleesteen in ay ku qanciyaan guddia agaasimayaasha ururka dhakhaatiirta xanuunada dhimirka "American Psychiatric Association" in qaniisnimada laga saaro liiska cudurrada dhimirka sanadkii 1973-dii.

Go'aankaan degdegta ah waxay lama filaan ku noqotay dhakhaatiirtii ku mideysnayd ururkaas, waxayna u arkeen go'aan siyaasadeed oo caafimaadka sal iyo raad ku lahayn, kumanaan dhakhaatiir ayaa arrintaan ka biyo diiday, waxayna codsadeen in afti loo qaado arrintaan.

Afti shakki ku jiro kadib, sanadkii 1974-tii waxaa si rasmi ah qaniisnimada looga saaray liiska xanuunada dhimirka ee loo yaqaano "Diagnostic and Statistical Manual of Mental Disorders (DSM)".

Inkatoo go'aan ahaan arintaas loo qaatay laakiin dhakhaatiir badan ayaa weli ku sii dhaganaa ra'yigooda una arkay in dadkaani ay waallan yihin una baahan yihiin in xarumaha dhimirka lagu xareeyo oo la daaweeyo.!

Waxaa arrintaas ku xigay in sanadkii 1980-kii go'aan dhakhaatiirta cudurrada dhimirka lagula dardaarmay in dadka qaniisiinta ah ay ka caawiyaan sidii ay ula tacaali lahaayeen dhibaatooyinka iyo dhaleeceenta bulshada kaga timaado, loona ciribtiro heyb takoorka lagu hayo iyadoo weliba dardaarankaan sal looga dhigayo cilmibaarisyo kala duwan oo ay sameeyeen dhakhaatiir maraykanka joogtay!!!.

Intaas waxaa ku xigay ansixinta qawaaniin ganaax oo loogu danaynayay qaniisiinta ku nooleyd maraykanka oo qofkii wax ka sheego ama dhakhtarkii ula dhaqmo qaab bukaan ahaan in maxkamad la soo taagi karo, tan oo ku qasabtay dadkii weli aaminsanaa in dadkaan aysan dabiici ahayn in ay aamusaan oo arrintaan ka gaabsadaan.!.

Xittaa markii la ogaaday fayraska HIV ee keena xanuunka AIDS-ka sanadkii 1984-kii oo markaas laga helay qaniisiin daganayd magaalooyinka New York City iyo Los Angels, waa lagu dhiiran kari waayay in ficilkaan xun uu sabab u noqon karo xanuunkaan aduunka ku soo kordhay.
Hay'adaha caafimaadka oo sameeyay tirakoob dabayaaqadii isla sanadka 1984, waxaa la ogaaday in 7,699 xaaladooda ee AIDS ah in la helay ayna u badnaayeen dadka qaniisiinta ah, waqtigaas qaarada europe oo idil waxaa laga soo sheegay 762 xaaladood kaliya.

Illaa iyo maanta waxaa si xaqiiq ah loo ogyahay in dadka ugu halista badan ee xanuunka qaada ama faafiya inay yihiin raga isku taga, laakiin sidaas ay tahayne lama ogola in dhibka loo saariyo ficilka foolxumada badan ee diimaha oo idil wada diideen khaasatan diinteena suuban ee Islaamka.

Waxaa ku xigay sanadkii 2001-kii markii wadanka Holland looga dhawaaqay in guurkii ugu horeeyay ee laba qaniisiin isku aroosaan ka dhacay illaa iyo hadane ay 15 dal ay si sharci ah isku aroosi karaan dadka isku jinsiga ah, arrintaan oo hadafkeedu ahaa in meesha looga saaro shakkiga ku jiro qolooyinka weli u arka in dadkaani ay wax ka qaldan yihiin, halkaasina lagu ansixiyay in qoys ay dhisan karaan, ayna heli karaan xuquuqda qoysaska kale.

Ra'yigayga Khaaska Ah:
Waqtigaan la joogo, haddii aad dunida u fiirsato, sheegashada qaniisnimada waxaa loo arkaa ilbaxnimo iyo reer magaalnimo, maadaama laga dhigay wax dabiici ah oo dad badan oo magac dunida ku leh ama hayo jago sare sida: madaxweyne dal inuu sheegto inuu qaniis yahay weliba uu ku faano.

Dadkaan oo nooc waliba iskugu jiro, weliba badankood bulshada ka muuqdo khaasatan wadamada yurub iyo maraykanka ayaa keentay in qofka daciifka ah u arko in hadduu rabo inuu heer gaaro inuu qolooyinkaas taageero ama u doodo ama uu ka mid noqdo.

Intaas ka dib waxaa hadane soo korortay fikrad ah in diintu iyo qaniisnimadu aysan is diidaynin, taasoo uu bilaabay nin baakistaani maraykan ahaa sanadkii 1998, weliba aasaasay hay'ad u dooda xuquuqda qaniisiinta islaamka sheegto, hay'adaas oo lagu qarash gareeyay lacago aad u badan waxay xafiisyo ka furatay dhowr iyo labaatan wadan isla sanadkaas, waxaana iska diiwaan galiyay tobaneeyo kun oo ku kala nool wadamo aad u badan, waxaana hay'addaas ka hoos farcamay boqolaal hay'adood oo weli ka howl galo meelo kala duwan.

Intaas ka dib hadane waxaa ku xigay sheeko aad loo soo habeeyay oo ah in islaamka iyo qaniisnimadu aysan ku koobneyn kaliya dadweynaha guud oo ay jiraan wadaado qaniisiin ah!! waana dad wadaadnimo sheeganayo hadane dhahayo qaniisiin ayaan dhahay waxay ku nool yihiin wadamo badan sida maraykanka, faransiiska, jermalka, canada, malaysia, south africa iyo wadamo kale, kuwaasoo aad warbaahinta looga buunbuuniyo, loona aasaasay masaajidyo la iskugu nikaaxiyo qaniisiinta islaamka sheeganayso!!!.

Afkaarta dadka lagu qaldo:

Intaas ayaan ku soo koobayaa jawaabta su'aashii aan idin soo waydiiyay, waxaa igu kallifay in arrintaan aan soo dhex dhigo madasheena sharafta leh, in dadka qaarkood ay si sahlan ugu kadsoomi karaan khaladaadka kor ku xusan ayna ugu horrayso in ficilkaan xun iyo xanuunada dhimirka ay xiriir leeyihiin.

Qofkii su'aal ka qabo jawaabtaan ama faahfaahin ku darayo maadaama jawaabta aan aad u soo koobay, hoos ha ku soo qoro fikirkiisa, mahadsanidiin.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Taariikhda Xanuunnada Dhimirka Iyo Qaniisnimada (Qoraal Xiiso Leh)
Post by: Salaado cali on May 05, 2016, 03:06:27 PM
jazakalah dr waxaan ku dari lahaa cadayn ah qaniisnimdo inaynan ka mid ahayn xanuunda waalida rer qureesh  markay nabiga ku dheheen wuu waalnyahay oo intay dariiqyada istaagan ay faafin jireen inuu nabiga waalnyahay ayaa waxaa maqalay nin dadka  waxa ku tufi jiray  markaas ayuu nabiga u yimad oo ku yiri waxaan maqa inaad xanuusantahay ee makugu tufaa waxaa laga yaabaa inaad ku caafimaadee  nabiga cswlm ayaa bilaabay hadalkiisa ku furfurto alla  qirid iyo mahad naq (ashahadu an laailaaha wa ashhadu ana muxamedu rasululaahi) intaa ka dib ayuu yiri ninkii bal iigu celi   uu ugu celiyey rasuulka nabd galayo kaorkiisa allaha yeele ninkii uu islaamay  wuxuuna beeco kula galau macal reekiisa inuu ku soo dari doono islaamka  magciisa si saxa uma xasuusto hada  u jeedka aan u soo qaataya qisdaan waxay tahay qof waalan suaal haduuu kaaga jawaabo oo tiraahado bal iigu celi  meel kale ayuu kuu saaraa ama uuba badalaa mawduca uu ka hadlaayey   quumu ladh markii ugu horaysay shaydaan ayaa iskaga soo dhigay wiilal  qurqurxoon oo da' yare markaasuu hortood isku fulfuleen ka dibna way caadaysteen 
Ilahay waxaan uga baryaa kuwa islaamka ceebenya inuu iqaabtoodo aduunka ugu soo dadajiyo aamin