Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fahay on September 18, 2020, 06:07:13 PM

Title: Su'aal: Kacsi yaraanta maxaa keeno?
Post by: Fahay on September 18, 2020, 06:07:13 PM
Dhamaan waan salaamayaa dhakhaatiirta sharafta badan. Waxaan iga jaahil saartaan waxaan ahay xaas waxaanan isku arkay hamo Yaraan ama kacsi yaraan taaso marmarka qaar aanu geedku ii kacayn anoo xaaskayka la jooga marmarka qaarna caadi ayaan noqdaa oo hawshayda waan qabsadaan.  Xatii aan xaaskayga habeenkii halmar u tago waxa igu yaraanays in aan mar labaad ku noqdo hayday doonta haba kala fogaatee oo saacado badanba ha u dhaxeeyaane. Dhawaan ayaanan aroostay dabadeed ilmo ayaa ii calool galay kiina waa soo qubtay ama way dhicisay wiigagii u horeeyeyba.  Dhakhtar ayaan u tagay wuxuuna ii sheegay in ganadha dhiigeedu uu yahay A- ana aan ahay O+  ciladaa ayaa keentay ayuu igu dhahay in ay gabadhu dhiciso inkasta oo aan maqlay in dumarka noocaas ah uu ilmaha u horeeyaa badbaado laakiin kaygu wiigagii u horeeyeyba waa soo daaray. Waxaan jeclaan lahaa in aad labadaa ciladood iga jaahil saartaan