Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 10, 2016, 03:33:18 PM

Title: Maxaa Soomaalida ku badiyay Cagaarshowga B iyo C?
Post by: SomaliDoc on May 10, 2016, 03:33:18 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caseeye.png)

Bsimillah...

Waxaan qoraalkaan uga jawaabi doonaa su'aashii aan idin soo waydiiyay oo ku saabsanay maxaa soomaalida ku badiyay xanuunka cagaarshowga B iyo C, markii loo fiiriyo dunida kale?

Horay waan uga soo hadalnay labadaan xanuun ee cagaarshowga B iyo C, haddii aadan horay u akhrisan booqo labadaan link ee hooseeyo:
Cagaarshowga B / Hepatitis B: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0)
Cagaarshowga C / Hepatitis C: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1781.0.html)

Intaa ka dib, dadkaa soo dhiibtay ra'yigooda ku aadanaa way ku mahadsan yihiin, inkastoo dad aad u yar ay tilmaameen qaabka loo kala qaado xanuunka, laakiin way yarayd in la tilmaamo asbaabta keentay inuu bato.
Dadka qaar waxay xuseen waxyaabo aanan xiriir la lahayn cagaarshowga B iyo C, waxyaabahaas la sheegay waxaa ka mid ah:

Intaas aad soo xusteen oo idilba ma keento mana faafiso xanuunka cagaarshow-ga B iyo C, waa laga yaabaa in Cagaarshowga A laga qaado nadaafad darrida iyo biyaha wasakhaysan, waana xanuun iska bogsado, dhibne ma keeno badana, laakiin B iyo C shaqo kuma lahan waxyaabahaas kore, waa laba xanuun oo dhib badan, daawane aan lahayn.

Maxaa keeno Xanuunka Cagaarshowga B iyo C?
Labada xanuunba waxaa keeno jeermis fayras ah loona kala yaqaano "hepatitis B viruse" iyo "hepatitis C viruse", waxaana lagu kala qaadaa in dheecaanka jirku isgaaro sida:


Maxaa bulshada ku badiyay?
Waxyaabo badan ayaa u sabab ah, waxaana ka mid ah:

Marka wax kasta oo keeni karo in dheecaannada dadka isku gudbiyo sida dhididka, calyada, dhiigga, caanaha, candhuufta, shahwada iyo wixii kaloo la mid ah waa lagu kala qaadaa.

Marka hadduu qof xanuunka laga helo, wuxuu u gudbin karaa xaaskiisa ama xaasaskiisa, waxay iyagane u sii gudbin karaan caruurtooda, sidaas ayuuna ku faafayaa xanuunka.

Marka waa aqoon la'aan, wacyi la'aan iyo taxaddar la'aan waxa keenay in xanuunka uu bulshada si xawli ah ugu dhex faafo.

Maxaa ka soo baxay diraasaddii lagu sameeyay Soomaalida ku nool Maraykanka iyo Ingiriiska?

Tallaalka:
Tallaalku wuxuu yareeyaa jaaniska in aad xanuunka qaadid, haddii lagaa helo waa in lamaanahaaga laga tallaalaa, caruurtane waa in laga tallaalaa, waxaa jiro wadamo ay qasab tahay in caruurta laga tallaalo cudurka cagaarshowga, waxaa kaloo jiro wadamo aanan laga tallaalin caruurta oo weli diidan soo jeedinta hay'adda WHO, waxaana wadamadaas ka mid ah: England, Ireland, Holland, Denmark, Sweden, Finland iyo Norway, waana wadamo ay aad u dagaan soomaalida.

Akhriso Cunnada u roon Caafimaadk Beerka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7031.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7031.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Maxaa Soomaalida ku badiyay Cagaarshowga B iyo C?
Post by: Hibocumar on December 16, 2018, 09:48:15 AM
Digtoore hadii la qaato talaalka cagaarshow B 2 Talaal Oo kii 3aad
ii harsan Yahay miyaan qaadi karaa mise ka 3aas waa inaan qaato oo aan sugo talaalka 3aad