Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamuud axmed on December 17, 2016, 10:35:57 PM

Title: Su'aal: Waxaa i olola cagaha?
Post by: Maxamuud axmed on December 17, 2016, 10:35:57 PM
Ascw waxaan rabaa inaan weydiiyo dhakhaatiirta sharafta leh su'aashan: waxaa i olola cagaha( waxay iga oloshaa gudaha ) hadii dusha laga taabtona wax kulayl ah lagama dareemayo, Kulaylkaana waxad modaa in cagta wax dhexdeeda kusocsocdaan, mararka qaarna barar baa yimàda. Xanuunkani wuxuu iigidaranyahay markaan aad u lugeeyo ama aan mudo taagnaado. Mudo badan shansano buu xanuunkani ihayey, dhakhatiir dhawr ah waan utegay qaar waxay dheheen waa neerfo dawa neerfo ilaa sodon irbadood iyo kininiyo badan ban isticmaalay wax isbedel mahelin. Qarkale  waxay dheheen biyo kulul dhexgeli habeenkii korna uqàd, qar waxay dheheen xididada dhiiga qaada (veins) ayaa kuxiran markaadhiigii ban cagaha gaareyn.intaas wax isbedel ah kamahayo.  marmar banan habenkii kaarkiisa kaseexan. Fadlan taladiina ban ubaahanahay Allah haydin barakeeyo.
Title: Re: Su'aal: Waxaa i olola cagaha?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2017, 05:59:13 PM
Caga-hurka waxyaabo badan ayaa keeno, waxaadna ka akhrisan kartaa faahfaahinta qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5716.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5716.0)
Haddii cagaha ay ku huraan kaliya markii ay bararaan sababtuna ay tahay markaa in muddo ah aad taagnaatid ama lugaysid, dhibkaagu waxuu la xiriiraa qulqulka dhiigga ee cagaha ka bixi la', taas ayaana keenayso in dhiiga uusan gaari karin meelaha qaar bararka awgiis, su'aasha u baahan in laga jawaabo ayaa waxay tahay: sababta ay lugaha kuu bararaan markaad socotid ama muddo gaaban aad taagnaatid, taas in lagaa baaro ayaa habbon marka hore si xal loogu helo arrintaada.