Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ali yare on November 12, 2010, 06:56:46 PM
-
Waxaan waydiin lahaa Takhaatiirta caafimaadka Somalidoc laba
su’aalood oo kala ah: -
1. Maxaan ku heli karaa in ay shahwadeydu badato? yacni marka aan galmo la samaynayo xaaskeyga in ay iga timaado shahwo fara badan.
2. Mida labaad qaabkeen ku heli karaa in ay shahwadayda noqoto mid adag oo xaddi leh?
Adinkoo mahadsan ii faahfaahiya labadaasi su’aalood, ma xag dawo ayaa lagu badin karaa shahwada raga ama sidoo kale lagu heli karaa shahwo adag oo xajmi leh, mase xag cunto ama khudaar ayaa lagu heli karaa? labadaasi su’aalood adinkoo iga raali ah waxaan codsanayaa in aad iga siidaan talo ku aadan kordhinta shahwada iyo in ay noqoto shahwo culus, mana qabo wax caafimaad dato galmo nooca ay doonto ha ahaatee, Alle mahadi.
Thanks
-
Waxaa shahwadaada ku badin kartaa adigoo cabitaanka badsado, galmadaadane kala fogeysid.
waxaa laga yaabaa inaad maqashay inay jiraan daawooyin ama cunno la cuno oo badiso shahwada, taasi wax la hubo maahan.
mida kale shahwo badan kuma xerno tarnakaga oo bato ama islaantaada inay uur horay ka qaado.
Halkii milliliter oo shahwo ah waxaak u jira in ka badan 20 milyan oo xawo (sperm) ah. wuxayna ugxanta u baahantahay kaliya hal sperm inuu bacrimiyo si ay islaanta uur u qaaddo.
Su'aashaada labaad ee adkaashaha shahwada ma ahan calaamad caafimaad, shahwada oo adkaato waxay calaamad u tahay in hormoonka ragnimada ee "testerone" uu yaraaday ama aad u fuuqbaxday.
haddii aad isku aragtid shahwo adag oo aadan isku aqoon jirin la xiriir takhtar.
-
acwr
salaan kadib aad baan idinkaga celinayaa dadaalkiina.
walaale cabitaanada shahwada badiya maxaa ka mid ah?
noocyada cabitaanada ee shahwada badiya ayaan doonayaa in aan ogaado.
mahadsanid
-
Ma jiro cabitaan gooni ah, laakiin waa wixii dareere oo la cabo oo dhan.
-
Asc Hahda somali Dors Isbuci halmar Ayan sigeysta cafimadkeyga maxey usababi karta waxana raba in an jojiyo lakin wan jojin wayay marmar waxan darema ilowsho iyo warer
-
Fadlan iska jooji siigada uma roona caafimaadka, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan dhibaatooyinka siigeysiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html)