Somali Medical Forums

Health Related Forums => Topics in Healthcare => Topic started by: Waxbaro! on December 22, 2010, 06:10:59 PM

Title: Poem on FGM: I have a mark that can never be erased
Post by: Waxbaro! on December 22, 2010, 06:10:59 PM
Bar Baa Igu Taala aan Weligeed Tirmayn
(I have (harbor) a mark that can never be erased)
By
Halima Cali Warsame, Garowe District

Toban anoon gaarin tabar weyna aan lahayn;
(Before I reached ten and was not so strong)
Tooray igu qalatay habar aan tacliin labarin;
(An old uneducated woman cut me with a knife)
Qodaxday igu taagtay hilibkay tiqtiqahayeen;
(Piercing me with thorns to tightly suture the flesh)
Tiftii Kaadida wadnaha tash layga yiri oo;
(My heart was pierced with the first drops of urine)
Bar baa igu taala aan weligeed tirmayn.
(I have a mark that can never be erased)
-//-
Markaan taaba qaaday oon taladiisa guur u kacay;
(When I grew up and prepared for marriage)
Salaanta utaagay toolmanahaan jeclaa;
(When I raised my hand to greet my handsome love)
Tacab qaadashiyo gurigii mar laysla tegay;
(When we collected our house hold goods and entered our home)
Taabashaddii horeba wadnaha tash layga yiri;
(My heart was pierced with the first touch)
Bar baa igu taala aan weligeed tirmayn.
(I have a mark that can never be erased)
-//-
Tiftii igu gorordhay tarantii Ilaah alkumay;
When God created a life out of the few drops that managed to get in)
Talalka cudurka tiiraanyadii walaca;
(When I suffered with the morning sickness)
Markay taarikhdii dhamatay ee fooshii timi;
(when the time finished and labor came)
Tooray looqaaday hilibkii marhore la tolay;
(A knife was taken for the already sutured flesh)
Tararacidd jiirka wadnaha tash layga yiri;
(My heart was pierced with the tearing skin)
Barbaa igu taala aan weligeed tirmayn
(I have a mark that can never be erased)
-//-
Towsda cudurkaasana iilkaan la tagahayaa; ee
(I will take its (FGM/FGC) consequences to the grave)
Taa nawada qaaday gabdhihiina uga tura.
(Save your girls from this that engulfed us all!)
Reported and Translated By: Dr Asha Mohamud
Title: Re: Poem on FGM: I have a mark that can never be erased
Post by: Galad on December 31, 2010, 01:49:27 AM
salam,
aniga oo ah galad waxaan raba in aan ogaado % intee ayaa gudan gabdha soomaliyeed?
cilmibarista ayaa sameeyey? sanadkee ayaa la samayeey? yaa sameeyey (NGO)? mise soomali ayaa samaysay?

fadlan isoo dira xog uruurin waxaad haysaan.
cinwaankaygu waa:

mohamed@tele2.ch
mahadsanidin dhamaantiin.
sanad wacan 2011.
Title: Re: Poem on FGM: I have a mark that can never be erased
Post by: Waxbaro! on December 31, 2010, 09:59:22 AM
% inta gabdhaha u gudan fircooniga waxay hay'adaha ku qiyaasaan inta u dhaxeysa 96 - 98%.
Baaritaannadaan waxaa sameeyay hay'ado caalami ah oo kala duwan sida WHO (http://www.who.int/reproductivehealth/topics/fgm/prevalence/en/index.html), USDOS (http://web.archive.org/web/20080112051958/www.state.gov/g/wi/rls/rep/crfgm/10109.htm), UNICEF (http://www.unicef.org/somalia/SOM_FGM_Advocacy_Paper.pdf), UNHCR (http://www.unhcr.org/refworld/country,,USDOS,,SOM,456d621e2,46d5787c32,0.html) iyo UNFPA (http://www.google.com/url?sa=t&source=web&cd=5&ved=0CEUQFjAE&url=http%3A%2F%2Fsiteresources.worldbank.org%2FINTSOMALIA%2FData%2520and%2520Reference%2F20316684%2FFGM_Final_Report.pdf&ei=t3sdTa_nIIbLhAeI6vi3Dg&usg=AFQjCNEyB_6-z1jGsuC_czJjRP1g-9BqMw&sig2=Te4qEpoWrfD2ys2n9xPM3g).
Way jiraan dad soomaali ah oo leh local NGOs oo baaritaan ku sameeya Gudniinka Fircooniga.

Si warbixinta oo dhameestiran u heshid riix magaca hay'adaha kor ku xusan.