Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdulahi on August 24, 2011, 08:09:20 PM

Title: Su'aal: Muraayadaha Indhaha?
Post by: Cabdulahi on August 24, 2011, 08:09:20 PM
asc  walal idinsalaamay walal drs utaagan caawinta walaalahooda dhibaateysan walal sheekh walalkeena ayaa waxaa  xanuunaya indhaha marka uu wax aqrin haayo  iyo hadii qoraalka  nalku qabto isna waxuu dareemaa xanun  walal dr ka indhaha ayuu utagay waxuuna usoo qoray muraayado  waxaana  idin soo ban dhigayaa qoraalka waxqada uu kudoonan hayao muraayadaha si aad noogu fasirtaan  digree ka muraadaha inay wayn yahay iyo inuu yar yahay   dhibkooda iyo dheeftooda walal  aad ayuu ooga wal bahaar san yahay inay dhib ukeenan marka  walal naga soo jaa hil bixiya   wax dhib ah oo kalana maqabo  sidan ayay u qoran yihin qoraalka
a pair of glasses with frames
 anti-reflective glass
 progressive
 right eye +0.00
 left eye +0.00
 addition +1.00
walaal aad ayad u mahadsantihin   ilaahay qeer ha idinku miisaamo caawimaadiina  asc walal hadii aad noosoo jawabtan waqti dhow waan jec laal lahayn  yazaakumulaah qeer asc
Title: Re: Su'aal: Muraayadaha Indhaha?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2011, 08:48:04 PM
OOkiyaalaha noocaan waxaa loo yaqaannaa "Progressive addition lense".

Waxaana lagu daaweeyaa xaaladda loo yaqaanno "presbyopia" oo ah macnihiisu in bikaacadda isha ay lumiso awooddii ay tarkiiska ku saari lahayd taasoo shaygii dhow aysan isha safiican u fiiri karin.
Xanuunkaan wuxuu ku badan yahay dadka da'da ah.

Bikaacadda isha way is badashaa muuqaalkeeda iyadoo ay ku xiran tahay waxa ay ishu fiirinayso haddii wax dhow ay yihin iyo haddii ay fogyihin, haddii wax yar ay yihiin ama wax weyn labadaba.

Awooddaan is badalidda bikaacadda way luntaa kullamaa qofka da'diisu ay kororto, tani waxay keentaa in qofka uusan safiican u fiirin karin walxaha dhawdhaw.

Xaaladdaan waxay billaabataa markii da'du ay dhaafto 45, taasoo qofku billaabo in waxa uu akhrinayo iska sikiyo si uu safiican ugu arko, xaaladdaan "presbyopia" waa mid dabiici ah oo is badal duqoobis ku timid, qof walbana ku dhacda.

Marka ookiyaalaha wuxuu sheegayaa in indhaha ay u baahanyihiin hal lambar oo siyaado ah kaliya si ay u saxanto hawsha bikaacadda isha.

Haddii qofku gashtane waa inuu is badal dareemaa, kana baab'aan calaamadihii uu dareemayay sida: awood darradii wax aragga dhow, daalkii indhaha iyo madax xanuunkii.

Xaaladdaan maahan mid daawo leh laakin waxaa lagu saxi karaa muraayadaha indhaha, haddii sideeda lagu daayane waxay saameynaysaa aragga indhaha.

marka talo ahaan walaalkaa ha qaato muraayadaha loo soo qoray wixii su'aalo dheeraad ku saabsan muraayadaha hakala xiriiro takhtarkiisa.

SomaliDoc