Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on May 21, 2012, 11:47:17 PM
-
Asc dhamaantiin. Dhakhtar, Ilma yar oo waxaan arkay ay Xudduntu soo foocsan tahay amma ay horey u soo kuusan tahay. Markii aan hooyadiis weydiiyey in uu ku dhashay, in markii xuddunta la jarayey ay sidaan noqotay iyo in kale, waxa ay ii sheegtay, in; -> uu cunuggu had iyo jeer ooyo oo laga quustay aamusintiisa, sidaas darteedna faraha laga qaado kolkii uu oohinta bilaabo, ayadoo aysan gaajo iyo wax kale-ba haynin. Oohintaas ayaa keentay ayay tidhi (hooyada cunugga) soo bararidaas xuddunta ah <-.
{Waa sida ay aamin san tahay, Dhakhtar uma uu caddeeynin arrintaas}.
=
Haddaba, Dhakhtar, oohinta ay carruurtu macnaha iyo sababta aan la aqoonin iska ooyaan, wax dhibaato ah ma u leedahay xubnaha jidhkooda, gaar ahaan Xuddunta, Indhaha iyo Maskaxda-ba?
Oohinta Ilmaha yar yar, wax faa'iido ah ma u leedahay Caafimaad ahaan?.
Waad mahadsan tihiin Somalidoc, Dhamaan xubnaha iyo maammulka webka. Salaama Allaah.
-
Meesha xudunta ku aadan oo soo buurato waxaa keeni karo wax badan, asalkeedane waa murqaha caloosha ku dahaaran oo halkaan ka dabacsan markaasne kala sikaday waxaana ka soo kuusmay caloosha wixii ku jiray, ilmaha qaar way ka baaba'daa markii waynaadaan oo murqahooda adkaadaan, waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah, qufaca badan, calool majiirka iyo saxaro adeegga, culeys qaadista, ooyinta iyo wax kasto oo cadaadiska caloosha siyaadiyo.
-
Waad mahadsan tahay Somalidoc.
Dhinaca kale, oohinta badan wax ma u dhimi kartaa qaabka INDHAHA caruurta? Waxa la sheegaa in ilmaha oohinta badan ay qaab ahaan ka *indho yar yar yihiin* kuwa aan ooyin ama in yar ooya.
-
Ooyinta joogtada ah waxaa la sheegay in ay keento aragga oo ciiro gasho, laakiin maahan wax joogto ah, caruurtane kuma badna.