Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Choukri on June 18, 2015, 12:03:46 PM
-
asc bahda somalia medical forum.wlll ada iyo ada baad umahadsantin dhaman dhakhatirtah .waxan rabaah inana idiin waaydiyo waxan qabah xanuunka gaaska mudo hal sanad iyo badha ahaa wll marka xanuunkan dartiiy maan somen sanadkiy hore tasoo dhakhtar kuu ilasocday xanuunkayga dartiiy wakhtiga badhitan badan ayaay igu sameyen waxay naah igusheegn xanuunkale oo loqadah france lagu dhaaho uksiir: wahay igu macneyen waa galka calosha oo kaa dhamaday/ama calosha oo diirkiiy kaa dhaamaday .siida dartid waan kariwayaay sonkiiy
wll marka somo manahay waan fcny ee markuu afturku dhawado waxan daremayah dawakhad iyo matag markan afturo matagan belabo waaxan wada ilaah cishahiga dabeto waxa idam qanaysa calosha ee wll taloo dhakha tar iyo tiiy wlltinimo iddinka sugayah wana idiinka mahad celinayah dhaman .waxana idiin rajaynayah ramadin wanagsan ....byyyyy
-
Gaaska waa xanuun dhib badan una baahan in qofka uu la saaxiibo isagoo fahmo waxa u daran iyo waxa u roon, gaaska heerar buu kala leeyahay, nooca aad tilmaantay oo boogta caloosha ku sameeyo, waxaa u daran markii waqtiga cunanda la gaarayo oo soo dhowdahay ama cunanda markii la cuno intaba, sababtuna waa caloosha oo soo deyso dheecaan aashito (Acid) ah oo dhabarka ma meesha duubka ka fiiqmay danqinayso.
Sidaa awgeed, bishaa soon markii lagu jirane way u sii daran tahay, sidaa awgeed talooyinka waa in marka hore aad qaadato daawooyin isugu jira antibiotic iyo kuwa xuubka caloosha inay kobciyaan loogu talagalay aad qaadati iyo daawo matagga yareysa, kadib waa in aad yeelataa hab aad wax u cunto si aad uga hortagto in calooosha sidaan oo kale in ay noqoto.
Fadlan halkaan ka akhriso qoraal kaa caawin doona talooyinka qaar: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5463.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5463.0.html)