Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Naciima/maxamed on February 04, 2016, 12:24:02 PM
-
Smc magacayga waa naciima waxaan jiraa 17 sanno waxaan ku dhibbanay kaadi habeenkii anoon is ogayn ilaa yaraantaydii wuxuu dhakhtarku idhihi jiray waa caadi ee markaad waynaato ayay kaa ba'aysaa lkn waan waynaaday oo 17 jir baan ahay walina wax isbaddal maan arag waxaan dareemaa cuqdad oo waan karhaa in la ila seexdo ama marti noo timado , sidoo kale walaalaladay iyo hooyaday ba way ila yaabaan lkn wali ma niyad jabin oo allah baan ku kalsoonay maxaan sameeyaa talo ayaan dhakhtarka waydinayaa iyo hadii daawo macquul tahay
-
Fadla qoraalkaan iyo qoraalalda ku xusanba ka akhriso wixii talo ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=447.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=447.0)
Ilaahay hakaa dul qaado dhibkaan, waan dareemi karaa xaaladaada, waana arrin ay dhalinyaro badan kula qabto.