Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on February 01, 2008, 04:37:15 AM
-
Cudurka bararka xiidmuhu (Crohn) waa cudur malawad oo aan la garaneynin waxa keena.
Xiidmaha ama malawadka ayaa barara si fiicanna uma shaqaynayaan.
Cudurka bararka xiidmuhu (Crohn) wuxuu ku dhici karaa qaybta yar ama weyn ee malawadka.
Waa cudur muddo dheer.
Waxaa laga yaabaa in aad dareento in aad fiican tahay toddobaadyo ama bilo ama waxaa laga yaabaa in aad maalin calaamadaha maalin walba isku aragto.
Daryeel la siiyo, ayey dadka badankooda qaba cudurka xiidmaha (Crohn) waxay horseedayaan nolol fir-fircoon, oo buuxda.
Calaamadaha
• Shuban
• Qandho
• Xanuun iyo casiraad caloosha ah
• Dhibaato xagga cunidda ah
• Caatoobid
• Daal dareemid
Daryeelkaaga
Takhtarkaagu wuu ku baari doonaa wuxuuna ku weydiin doonaa su’aalo ku saabsan calaamadahaaga.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa in:
• Dhiig ama saxaro lagaa baaro
• Malawad baarid (Colonoscopy) – takhtarku wuxuu baari doonaa gudaha malawadka iyo xiidanka isagoo isticmaalaya tubbo dabacsan
• Raajo leh barium
Inkastoo aysan jirin daawo loogu talogalay cudurka xiidmaha (Crohn), daaweynta lagu maareynayo cudurka waxaa ku jiri kara:
• Daawooyin qaadasho si loo yareeyo bararka, yaraynta xanuunka iyo casiraadda, iyo ka hortagga cudurka.
• Ka fogaanshada wixii cuntooyin ah oo calaamadahaaga uga sii daraaya.
Cuntooyinka buunshuhu ku badan yahay sida khudradda markaas la gooyey iyo miraha isu dhan iyo cuntooyinka dufankoodu sarreeyo sida waxyaabaha caanaha laga sameeyey iyo hilibka guduudan ayaa laga yaabaa iney dadka qaarkood u keenaan calaamadaha.
• In lagu qalo si dhibaatada malawadka ka jirta loo saxo.
Waxyaabaha kale ee aad sameyn kartid ee ku caawin kara:
• In aad fir-fircoonaato.
• Aadan sigaar cabbin.
• Aad barato sida la isku dejiyo diiqaddana (stress) la isaga yareeyo.
• Takhtarkaaga u tag si laguula socdo hadba sida lagu taliyo.
Haddii aad wax su’aalo ama walaac ah aad qabtid halkaan ku weydii
Somalidoc
-
Asc dakaatiirta
Mar hore ayaan suaal idinsoo waydiiyey wax jawaab ah majiraan miyaa
Waan idin salaamayaa