Somali Medical Forums
		Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nejiboz on March 07, 2016, 09:06:56 PM
		
			
			- 
				Assalamualaikum, 
Doctor khayr Allaha ku siiyo in sha Allaah.
Dr. Allaha caafiyo inta uu ku dhacay cudurka inta kalena Allaha SW haka ilaaliyo.
Su'ashayda waxa waaye aniga mudo laga joogo 9-10 sano kahor ayaa madada dhinaca bidix ul (stick) la iiga dhufta si aad u xun wayna isoo barartay dhiig cml ayaa i fariistay maalmihii hore waa i xanuuni jirtay balse mudo xanunki iyo kaarkii waa iga bogsaday lkn calaamadii bararka ayaa igu hartay hadii aan aad u riixo xanun ayaan dareemaa mararka qaar ilaa dhagta dusheeda? 
Saamayn ama xariir miyay la leedahay cudurkan faaliga maxayse noqon kartaa cawaaqibka? 
Allaha ku xafido in sha Allaaah
			 
			
			- 
				Barar kor ka muuqdo iyo dhaawac aan maskaxda gudaheeda u gudbin ma keeno cudurka Faaliga.
Badanaa cudurka faa'iga wuxuu yimaadaa haddii dhaawac gaaro xididada gudaha ku jiro ee maskaxda ee ma ahan kuwa kore ee basada.
Akhriso cudurka Faaliga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html)
Jugta sida aad tilmaantay oo kale waxay keeni kartaa cudurka Qalalka, Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html)