Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Alkatra on July 30, 2016, 03:49:49 PM
-
Waaan ku salamaay DR waan ku mahadsan tahay hoosha aad inoo hayso, waxaa rabay inaan ku waydiiyo dr waxaa ii joogo wiil yar oo sadax sano ah markii uu gadinaayo wuu riimaa sidaa cunug saxaro radinaayo waa mar walbo , waxaa waydiiya gadida miyaa ku xanuuneyso mar waxaa uu dhahaa haa marne mayaa waan gala garaan waaye , waxaa ugu shakiyaay inuu infacshiin haayo hadaa neh waxaan is waydiiy miyuu ku dhici karaa ilmo yar infakshin bal iga jaahil bixi mahadsanid
-
laba mid ayay noqon kartaa in infekshan kaadiheysta ama ibta uu jiro ama marinka kaadida inay ciriir tahay oo si sahlan ku soo baxaynin sida dhagax ama wasakh inay fadhiisatay, fadlan haddii arintaan aad ku aragtay muddo dheer, la xiriir dhakthar si loo baaro, kaadi ku dhagga joogtada ah ee caruurta ku dhaco waxay saameyn ku reebtaa shaqada kilyaha.