Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on August 31, 2016, 12:40:44 AM

Title: Marwaxada iyo cafimaadka
Post by: Diihaal Guuto on August 31, 2016, 12:40:44 AM
Asc dhamaan maan bahda somalidoc gaar ahaan dr mahdi.
Waxaan joogaa meel cimila kulul oo marwaxado laga isticmaalo.
Mararka qaar waxaa dhacda anoo soo qubeytey inaam isku dhigo, ama anoo soo dhididey isku dhigo marwaxada.

Ilaahbaa mahadleh arintaas wax cilad ah ilaahada iguma keenin, lkn dadka qaar ayaa iiga diga arinkaas.

Caafimaad ahaan ma wax dhiba ayey gesan kartaa marwaxada xiliga qofku dhidid sanyahay ama qoyan yahay oo so qubeystey?
Title: Re: Marwaxada iyo cafimaadka
Post by: SomaliDoc on October 16, 2016, 07:01:45 PM
Isbadallada heerkulka jirka ee degdegta ah waxay khalkhla galiyaan difaaca jirka, qofka wuxuu u nuglaadaa jeermisyada khaasatan fayraska, sida hergebka, ifilada. wuxuu kaloo qofka qaadi karaa oof-wareenta "Pneumonia" laakiin taasi macnaheeda maahan qof walba oo marwaxad isku dhigo ama meel qabow istaago qubeyska ka dib inuu horay ka jiranayo.

Dad badan ayaa aaminsan in hawada qabow ay ku gelayso, oo ay keenayso waxa loo yaqaano "Koolba-aaryo", taasi caafimaad ahaan sax ma ahan, waxa qofka ku dhaco markuu qabowga ku dhaco isagoo dhididsan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Pleurisy" waana cillad ku timaada xuubabka sanbabka ku hareeraysan oo "inflammation" ku dhaco taasoo keenayso in qofka uu dhaqaska ku dhago, akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0)

Inkastoo aadan xanuunsan, laakiin waxaan kugula talin lahaa in aad jirka tirtirto inta aadan marawaxadda isku dhigin.