Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Torayo on November 27, 2016, 03:56:19 PM

Title: Su'aal: Cunug yar oo mooska haduu cuno?
Post by: Torayo on November 27, 2016, 03:56:19 PM
Cunug yar oo mooska haduu cuno saxaroonayo wax dun dhaadher cml ah maxaa keeno.
Mida kale ayaantaas aan mooska siinayo habeenki ma hurdaayo aad ayu u gad gadoomaaa sida in caloosha laga cunooyo cml maxaa sabab ah.
Title: Re: Su'aal: Cunug yar oo mooska haduu cuno?
Post by: SomaliDoc on December 24, 2016, 10:32:04 AM
Waxa dhaadheer sida dunta oo kale ah oo madow ee caruurta dhigaan markii mooska la siiyo waa dabiici, mana ahan gooryaan ee waaa wax mooska gudaha kaga jiro markii la dheefshiido.

Waxaa kaloo mooska lagu yaqaanaa in saxarada uu adkeeyo, hadduu saxarada cunuga adag tahay wuu jiiran karaa, laakiin haddaysan adkayn, wax kale inuu u gadgadoomayo ayaa dhici karta.