Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Timocade on December 21, 2016, 12:31:15 AM
-
Magacaygu waa tima cade
Marka hore waan ku salaamay waxaan kaa codsanayaa in aad jawaab isoo siiso adoo mahadsan waxaan ahay wiil dhalinyaro waxaan guursaday xaas dareenkayga marka ay xaaska ila joogto waxaan ahay daciif aan kacsanaynin marka aynan ila joogin xaaska dareen waan leeyahay
cabsi anoo ka qabo xaaska in aan kala tagno awgeed ayaan waxaan isticmaalaa kaniinka awoodda galmada ama dareenka caawiye
dectoore fadlan jawaab isii qaabkaan iskaga daynlahaa kiniinkaas xaaskana aan uqancin lahaa dhibaato badan ayaan ku qabaaa kiniinka waayo markaan cuno waan ku xanuunsadaa xaaskana way xanuunsataa walow xaaska aynan ogayn wax aan isticmaalay ima fahansana oo waxaan ka cabsani in aan isku dhacno
mida kale waxaan shaki wayn kaqabaa in gabadhii aysan uur qaadaynin taasina ay ugu wacantahay kaniiniga aan cunayo awgiii oo dareenkaygu uusan ahayn mid dabiici ah
fadlan iisoo jwaab adoo mahadsan wabilaahi tawfiiq
-
Bismillah,
Welwelka iyo stress-ku waa sababta ugu horaysa ee keento kacsi la'aanta iyo hami yarida, waana sida aan ka dareemay cabashadaada, sababtoo ah haddii ay kugu taagan tahay cabsi ah in aad xaaska qancin waysid ama aad kala tagaysaan, dareen ma helaysid oo arintaan ayaa mar walba ku hortaagan, waxa ugu muhiimsan waa in aad niyadda ka saartaa cabsida kugu taagan, noloshiinane ay ku dhisnaataa kalsooni iyo is-fahan, haddii aysan sidaa kuu suura galaynin, waxaad u baahan tahay in diiqad ahaan laguu daaweeyo inta aad qaadan lahayd daawada galmada caawiso, sababtoo ah waxay leedahay waxyeello badan oo laga yaabo qaarkeed in aad isku aragtay.
Ku dadaal in aad mawduuca qancin la'aanta aad maskaxda ka saartid, niyadda kalsooni gali, inaysan waxba kaa hallaabayn ku qancin naftaada, saaxiibtaane kala tasho wixii dhibaato kaa soo wajaho sariirta, taasi waxay ku siinaysaa kalsooni iyo xasilitaan, culeyska ku saaranne wuu kaa daig Alle idinkii insha'llah.
Akhriso qoraal ku saabsan waxyeellada daawada Feegada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0)