Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Eng.myare on July 20, 2017, 01:32:52 AM

Title: Su'aal: Xaaskayga 5 sano ayaan is qabnaa?
Post by: Eng.myare on July 20, 2017, 01:32:52 AM
Dr. Aad ayaad u mahafdantahay jawaab celintiina cilmiyeysan.
Balse waxaan ku weydiinayaa xaaskeyga 5sano ayaan isqabnaa 2goor ilmihi oo marna bilo dhameystey marna 4bilood ah ayaa kasoo dilmey oo laga sooxaaqey kadibna uurdhan ma qaadin illaa 2sano hadeer sidaas awgeed xaaqiddaas cilad ma keeni kartaa?
Baaritaano lagu sameeyay waxay dhaqaatiirtu sheegen inuu nabar ku yaallo minka gudahiisa weyna soo jareen kadibna gubeen daawo fara badan kadib ekfishan joogto usoo noqnoqda ayaa jira oo hadii qalajiyo ay cunto laga dawoobo markey dhameysana meeshiisa kasoo noqda uur la aanta nabarkaas minka ku yiilay sabab ma u yahay?muxaase goobtaas nabar weyn ku dhaliyey?ekfishankan joogtada ah mala dhihi karaa nabarkii ayaan bogsoon?maxaase talo nagu siineysaa?
Intaasba jawaab ayaan kaaga sugeynaa maadaama ay kurbo arintani nagu heyso insha alah.
Title: Re: Su'aal: Xaaskayga 5 sano ayaan is qabnaa?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2018, 01:17:40 PM
In haweentu uur yeelan wayso markay dilanto ka dib waa cillad badanaa la arko, waxyaabo badan ayaana keeni kara, horay ayaan qoraal ugu faahfaahinnay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8600.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8600.0)

Midda ku saabsan infekshan soo noqnoqdo, waa suuragal in nabarkii la gubay uu yahay ama cillad kale oo jeermiska keenayo aan weli daawo loo helin  taasna waxaa lagu ogaan karaa in dheecaanka ama kaadida la beero "culture and sensitivity", akhriso qoraal aan horay uga hadalnay infekshanka haweenka ku dhaco iyo sababaha uu u badan yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0)

Waxaad kaloo qoraalkaan ka akhrisataa sababaha keeno in infekshan la daaweeyay uu u soo laabto mar kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5588.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5588.0)