Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on June 10, 2018, 12:24:32 AM

Title: Su'aal: Midabyada kala duwan ee kaadida?
Post by: Ahmed_Carab on June 10, 2018, 12:24:32 AM
Asc dhakhtar .. shukran inbadan dadaalka iyo fekerka aad nagu tabarrucdaan.

Su'aasheyda waxaa weeye: midabyada kala duwan ee kaadida maxey cadeen u yihiin; cudur mise caafimaad?
Inta badan waxaad arkeysaa in kaadida marwalbo midab yeelato sida: jaalo full ah, jaalo biyo biyo ah, midabka oronjada oo mugdi ku jiro, midab cadaan cml ah, midab guduud xigeen ah, midab transparent ah ... marka inoo jawaaba ilaahay ajarkiina ha weeneeyee.
Title: Re: Su'aal: Midabyada kala duwan ee kaadida?
Post by: SomaliDoc on January 01, 2019, 08:27:58 PM
Waa muhiim in qofka u fiirsado midabyada kaadidiisa, sababtoo ah midab walba wuxuu tilmaan u yahay caafimaad ama cudur, tusaale ahaan haddii kaadida ay tahay jaallo tiq ah waxaa kugu yar biyo cabitaanka, haddii gaduud sidii shaaha oo kale ay noqotane waxaa jirka infekshan ama kaadida waxaa ku jira unugyada cascas oo ah cillad u baahan in la baaro, haddii biyo caadi ah u eg tahay ayna badan tahay waa in lagaa baaraa xanuunka mcaaanka IWM, haddii caano camal u eg tahay ama calaw calaw leedahay waxay tilmaan u noqon kartaa in kilyahaagu sii daynayaan borotiin badan ama cillad dhinaca qanjirak bosotaatada inuu jiro, sidoo kale waxay yeelan kartaa midabo badan oo u gaar ah cudurro gooni ah laakiin kuma badno bulshada, sidoo kale waxyaabaha la cuno sida daawooyinka oo kale way badali karaan midabka kaadida.

Sidaa darteed midabka dabiiciga ah ee kaadida waa inay ahaataa huruud ama jaallo khafiif ah, haddii isbadal ku aragtid taa ka duwan waa inaad dhakhtar la xiriirtaa khaasatan hadduu xanuun kale la socdo.