Talaalka Iyo soomalida
Hadii aad dib u jaleecdo taariikhda, waxa ku xusan cuduro dabar goyn jiray bulshooyinkii ku dhaqnaa xiliyo hore dunidan sida daacuunka(plague) , qaaxada(TB), kaneecada (malaria), duriga (influenza) , dabaysha (polio), gawracatada (diphtheria), xiiqdheerta (whooping cough) , jadeecada iwm, kuwaas oo maanta ama qarnigan aynu noolnahay ah qaar aan sababin dhimasho xusid mudan, dunida badhkeedna laga dabar jaray, laakiin dunida sadexaad oo iyadu ah mid mar kasta dib uga dhutida caalamka intiisa kale, ayay aafeeyeen cudurdan kor ku xusan oo runtii dilaa ah laakiin si dhib yar loo daawayn karo.
Cudurdan aan xusay maaha qaar lagu dabar gooyay ama lagu dhimay heerkoogii daawayn bulshada la siiyay, ama raashinka ay quutaan oo loo dheeli tiro , haba sii yaraatee kamay iman dadka oo waxbarashada badani ka saaciday inay ka feejignaadaan cuduradan, laakiin cida Eebe dabadii mahadnaqa yeelanaysaa waa TALAALKA.
Talaalka waxa laga sameeyaa isla dulinka ama bakteeriyada cudurka keenta oo la xiniinyo siibay hadii aan si kale u dhigo iyadii oo laga qaaday awoodii ay ku samayn lahayd waxyaabihii qofka dhaawaca u keeni lahaa ayaa lagu duraa ilmaha ama qofka waynba taasi waxay u suuro galinaysaa in qofku samaysto difaac dabiici ama waxa afka qalaad loogu yaqaan (immunity) taas oo u suuro galinaysa in uu iskaga caabiyo bakteeriyada aan iyadu xiniinyo siibnayn (virulent) ee cudurka keeni karta.
Hadaba Hay’ada caafimaadka ee ururka qaramada midoobay (WHO) iyo qaar kale oo faro badan ayaa iyagu had iyo jeer ku hawlan sidii ay dunida uga dabargoyn lahaayeen cudurdan dunida horumartayna ku dardaara kuna dhiiri galiya sii xoojinta barnaamijiyada talaalka ee dalalkooda ka jira. Laakiin dalalka iyagu soo koraya , gaar ahaan dhulka soomalidu dagto ama bariga afrika ayaa ah qaar dawladahaasi ayna lahayn sharciyo iyo nidaam sugan oo lagu fuliyo barnaamijyada talaalka. Hadaba waxa carabtu ku maahmaahdaa “Dawladu shacabkay ka timid, shacabkuna waa dawlada” dadyawga iyagu dhulalkan ku dhaqan ayaa ah qaar iyagu aad uga dhiidhiya una diida , fikrado gurac ahna ka haysta talaalka, had iyo jeerna ah qaar diida talaalka caruurtooda la siinayo , hadaba waa maxay sababtu:-
1- Dadwaynaha soomaaliyeed oo aan wacyi galin fiican ka haysan faaiidooyinka talaalku u yeelan karo ilmahooda.
2- Dadka qaar oo aan iyagu ogaynba in cuduro badan oo dhalaanka ku dhaca loo hayo talaal oo ilmaha hadii inta uu yaraa la siiyo talaalka uu ka aamin noqon karayay cudurkan.
3- Dadka soomaaliyeed oo iyagu kaa aamin baxsan talaalka ay maalgaliso misana fuliyaan hay’adaha reer galbeedka.
Hadaba arrimahan oo dhan waxa lagaga hor tagi karaa. Iyada oo la wacyi galiyo bulshada dheehana looga qaado dheefaha aan la koobi Karin ee uu leeyahay talaalku. Sida ay u badanyihiiin dhibtooyinku soomalida , talaalka waxa hor taagani waa jahli, waxaanan kaga baxayaa odhaahda ah “ignorance kills”
cadnaan xasan