Hurdo la'aantu waxay ka timid dhibaatooyinka la xiriiro hurdada, waxaana lagu gartaa in qofka oo hurdo ku soo dhici karin ama hurdada ku raagi karin.
Dadka qaar oo ka sheegto hurdo xumada waxay kaloo dareemaan daal iyo tabardarri markii ay soo toosaan subaxii ama haddii ay ka soo toosaan habeenkii kuma laaban karaan ama waqti hore oo qofka hurdada ka dhamaato.
Noocyada hurdo la'aanta:1- Hurdo la'aan aan xiriir la lahayn wax xanuun jirka.
2- Hurdo la'aan ka timid cudurro kale sida:
Waxaa kaloo hurdo la'aanta loo kala qaadaa hurdo soo booddo ah iyo hurdo la'aan soo raagtay, haddii qofka uu sadax maalin usbuucii uu hurdo la'aan noqdo muddo bil ama ka badan waxaa lagu tiriyaa hurdo la'aan raagtay.
Maxaa keeno hurdo la'aanta?Asbaabaha keeno hurdo la'aanta soo boodada ah:
- Welwelka ka dhasho isbadalka nolosha sida shaqo la waayo, qof aad jeceshahay oo xanuunsado ama dhinta, furriin ama qofka oo safro ama ka guuro meeshuu daganaa
- Niyad jabka iyo isku-buuqa
- Isbadalka deegaanka sida qeylada, iftiinka, jawiga oo kulul ama qabow intaas waxay kaa qasi karaan hurdada.
- Daawooyinka qaar sida kuwa loo qaato hergabka, xasaasiyada, dhiigkarka iyo neefta.
- Waqtiga hurdada oo la badalo sida habeenkii oo la shaqeeyo
Asbaabaha keeno hurdo la'aanta raagto waxaa ka mid ah:
- Xanuun jirka oo joogto ah
- Welwel iyo diiqo joogto ah
Astaamaha lagu garto qofka hurdada ku yar tahay:- Maalintii oo shaqada ama iskuulka lagu hurdoodo
- Daal guud
- Kacsanaan iyo xanaaq
- Hilmaan badan iyo fahmi yari
Sidee loo daaweeyaa hurdo yarida ama hurdo yarida?Badanaa hurdo la'aanta soo boodada ah wax daawo ah looma qaato, qofka wuu helaa hurdo markii ay ka gudbaan waxyaabaha uu dhibsanayo.
Haddii aad ka welwelsan tahay in hurdo la'aantu ay saameyn ku yeelato shaqadaada ama waxbarashadaada waa in aad dhakhtar la xiriirta si laguugu caawiyo wax hurdo ku siiyo.
Iska ilaali in aad qaadato daawo hurdo oo uusan dhakhtar kuu qorin maxaa yeelay waxay saameyn ku yeelan kartaa hurdadaada mustaqbalka.
Hurdo la'aanta la xiriirto xanuunada kale waa in la daaweeyaa si qofka u helo hurdo fiican tusaale ahaan hadduu qofka qabo neef ama wadne xanuun waa inuu helaa daawoyinka xanuunadaas.
Talooyin kugu caawin karo hurdo lagu nasto:- Jiifo habeen kasta waqti go'an, iskuna day in aad soo toostid waqti go'an
- Ka fogow cabista qaxwada iyo kaffeyga, sigaar cabista, qaad cunista.
- Sameey jimisi joogto ah , ha jimicsanin markii aad hurdi rabtid ama 4 saac hurdada ka hor
- Haku cashaynin cunno culus
- Ka dhig jawiga qolkaaga mid hurdo waa in uu mugdi ahaado, dagan, diiran oo aan buuq lahayn - hadduu buuq jiro dhagaha iyo indhaha daboolo.
- Hurdada ka hor ku qubeyso biyo diiran ama akhriso quraan.
- Is bar in aadan sariirtaada u isticmaalin wax aan hurdo ahayn, sariirta u aad hurdo kaliya.
- Markii aad jiifato haddii aad ka fakarayso wixii maanta aad la soo kulantay isku day in aad ku badasho wixii aad qaban lahayd markii aad soo toostid subaxii.
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com