Author Topic: Su'aal: Cudurka Leishmaniasis?  (Read 7813 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Toldo

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 92
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Cudurka Leishmaniasis?
« on: March 11, 2016, 09:55:35 AM »
Asc Doctor Magalada bosaso waxa kuso badanaya kiisaska laso dhacaya cudurka leishmaniasiska waliba qaybta visceral leishmaniasis wana cudur ku cusub deegaankan iyado awalba sanadihi ugu dambeyay ay bosaso la daalaadhacaysay xanuunka duumada. Madama dhakhatirtu uu ku yahay xanun an horey loga aqon degankan Warbixin koban o cudurka leishmaniasis ku sabsan  muhim bay ahan lahayd. Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka Leishmaniasis?
« Reply #1 on: March 30, 2016, 05:48:32 PM »


Cudurka Leishmaniasis ama dadka qaar ay u yaqaanaan "Kala-azar" inkastoo magacaan dambe loogu yeero qeyb ka mid ah cudurka Leishmaniasis-ka, waxay soomaalidu ku nool meelaha uu ku badan yahay u taqaanaa "Barariye" maadaama uu qofka caloosha ka barariyo.

Waa xanuun dhulalka kuleelaha laga yaqaano, wuxuuna waagii hore soomaaliya lagu aqoon jiray tuulooyinka ku teedsan wabiyada Shabeelle iyo Juba, iyo xadka koonfurta soomaaliya ay la wadaagto Ethiopia iyo kenya.

Waxay WHO sheegtaa in xaaladii ugu horeysay ee soomaaliya laga soo tabiyo inuu ahaa qof ku noolaa deegaannada ka agdhow magaalada Jowhar inta u dhaxaysay sanadihii 1930 illaa 1940-kii.

Intaa kadib waxaa ugu badnaan lagu arki jiray Gobolalda Bay, Bakool iyo Gedo khaasatan xuduuda dalka kenya.

Sanadkii 2006, waxaa jiray mar uu ka dillaacay Hudur, gobolka bakool oo markaas lasoo tabiyay inuu ku dhacay 1000 qof.

Xanuunka waxa keeno dul-kunoole u gaar xanuunka, waxaana dadka u kala gudbiyo daqsi loo yaqaano "Sand fly", af-soomaaliga waxaa lagu dhahaa "Daqsi Cammuudda", wuxuuna badanaa ku noolyahay dudumada iyo geedka quraca.

Xanuunka wuu guuri karaa oo waa laga heli karaa meel aan lagu aqoon jirin, khaasatan hadduu daqsigaas joogo gobolka uu ku cusub yahay, maxaayeelay qof ka yimid Bay, Bakool ama Gedo oo xanuunka xambaarsan hadduu yimaado Gobol aan xanuunka laga aqoonin si sahlan ayuu ugu gudbin karaa qofka caafimaadka qabo haddii daqsigaasi uu meesha joogo ama ku nool yahay.

Xanuunka da' kasta wuu ku dhacaa, laakiin xaaladaha soomaaliya badanaa lagu arko waxaa u badan caruur.

Xanuunka waxuu u kala baxaa sadax nuuc:
  • Nooc ku dhaca uur-kujirta loona yaqaano "Visceral Leishmaniasis": waa nooca ugu badan soomaaliya, dadkuna u yaqaanaan "Barariye", wuxuu barariyaa beerka iyo beeryarada.
  • Nooc ku dhaca maqaarka loona yaqaano "Cutaneous Leishmaniasis", waxaana xaalado fara ku tiris ah lagu arkay koonfurta soomaaliya
  • Nooc ku dahca maqaarka iyo xuubka jilicsan ee jirka, waxaana loo yaqaanaa "Mucocutaneous Leishmaniasis", kan soomaaliya laguma yaqaano, laakiin hadda ka hor ayaa lagu arkay dhowr xaaladood waqooyiga soomaaliya oo markaas xambaar lagu soo geliyay.

Xanuunka horay lagama dareemo ilaa inuu qofka soo rito mooyee, aniga khibradayda inta aan ka arkay wuxuu qofka xanuunka hayaa 6 bil illaa 8 bilood inta uusan soo riday, marka hore qofka wuxuu dareemaa, caajis, qandho, cunno xumo, murqo daal iyo miisaanka oo dhaco kadib wuxuu qofka arkaa caloosha oo weynaatay kadib waxaa ku xiga dhiigbax ka yimaado sanka, ciridka ama maqaarkaba markuu qofka waxyar gaaro, dhiigu horay kama joogsado, waana sababta ugu wayn ee dadka u dhintaan.

Maxaayeelay jeermiska keeno xanuunkaan markuu jirka galo wuxuu dagaa beerka, beeryarada iyo dhuuxa lafta, sida la wada ogyahayne, dhuuxa lafta isagaa masuul ka ah samaynta unugyada dhiigga, marka jeermisku ku dhex tarmo lafta dhuuxa, wuu howlgabiyaa, waxaa hoos u dahco ama yaraado unugyada dhiigga kuwaas oo kala ah kuwii cascasaa oo qofka dhiigyari ayuu isbitaalka la yimaadaa, kuwii cadcadaa oo infekshanka la dagaallami jiray, marka qofka wuxuu la yimaadaa caabuqyo kala duwan maadaama difaaca jirka uu hooseeyo, iyo unguayda xinjiroobista u qaabilsan ee loo yaqaano "platelets", waana kuwa sabab u ah dhiig-baxa.

Caqabadaha ka jiro dalka ee ku aadan xanuunkaan:
Caqabad dhinaca sheybaarka ah, sababtoo ah baaritaano dhowr ah ayaa jiro oo hay'adaha keenaan, kuwaasi ma ahan kuwa xanuunka si sax ah u sheegi karo, maxaayeelay waxaa la isku waafaqsan yahay sida ugu saxsan ee xanuunkaan loo baari karo oo isbitaallada dunidaba laga isticmaalo waa in muunad ama sample laga qaado beeryarada ama lafta dhuxua si jeermiska loogu arko aalada miikariskoobka, marka dhakhaatiir awood u leh inay muunad ka qaadaan lafta-dhuuxeeda ama beeryarada meel kasta wadanka lagama heli karo, maxaayeelay waxay u baahan tahay khibrad iyo aqoon haddii kale qofka wuu u dhiman karaa hadduu sameeyo qof aan aqoon lahayn.
Waxaa intaa sii dheer, haddii muunadii la qaado, sheybaariiste aqoon u leh inuu sheego dul-ku-noolahaas way yartahay, sidaas ayaa waxaa loo adeegsada baarista degdegta ah oo dhiiga laga baaro, mana ahan baaris bixin karto caddayn in xanuunka uu jiro iyo inuusan jirin.

Caqabadda labaad waa daawaynta, maxaa yeelay daawadu waa qaali, qofka badanaa ma gadan karo, dowlad daawada ku deeqdo bulshadane ma jirto, laakiin waxaa daawada laga helaa hay'adaha ay ugu horayso WHO maadaama heshiisku yahay inay si bilaash ah ku bixiso maxaayeelay xanuunkaan wuxuu ku jiraa liiska cudurrada la dayacay oo in mar hore wax laga qabto ahayd, waxaana loo yaqaanaa "Neglected Tropical Diseases", waxaa intaa wehliyo in daawadu muddo in la qaato u baahan tahay, waxyeellane ay lahaan karto oo ma ahan daawo guriga lagu qaadan karo waa inuu qofka xarun caafimaad uu joogaa.

Intaas oo idil waa caqabad wadanka ka jirto una horseedi karto inuu cudurka faafo.

Marka waa in dhakhaatiirta loo tababaraa sida xanuunkaan loo baaro iyo sida loo daaweeyo, waana in qalab baaris iyo daawo tayo leh la helaa haddii la rabo in laga ciribtiro gobollada la soo geliyay iyo meelaha uu awalba ka jiray intaba.

Waxaan filayaa in aan intaan ku soo koobo warbixinta cudurkaan oo hadduu qofka dhakhtar yahay faahfaahin intaan ka badan ayuu u baahan yahay.

Haddii aad su'aalo kale qabtid ama faahfaahin ku saabsan cudurkaan iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Toldo

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 92
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Cudurka Leishmaniasis?
« Reply #2 on: March 31, 2016, 11:26:38 AM »
Waa Ku mahadsantahay diktore jawabta dhamaystiran ee faahfaahsan


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 51577
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 33884
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22583
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 101164
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 31623
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc