Somali Medical Forums
January 08, 2009, 01:37:38 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Cabeebka Ilmaha - Candida (Thrush)  (Read 604 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: May 09, 2008, 10:31:59 PM »

Muxuu yahay?
Candida ama cabeeb waa infakshan guud waxaana keena khamiirka loo yaqaan Candida albicans. Waxay jeceshahay inay ku korto meelaha diiran oo qoyan sida afka (oral candida), waxayna ku dhuumataa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka qaarkoodna kilkilada.
Afka gudahiisa, waxay ku samaysaa meela cad cad oo guduud ku jiro. Badanaa wareega camanka, laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa ciridka, dhabxanaga ama carabka.
Candida wuxuu ku dhacaa badanaa maqaarka meelaha sarcanyuhu ku yaalliin. Dabadeedna waxay ku fidaan bawdyaha ama barida meelaha ka fog maqaarka kaas oo ay wax yeeshay candida. Midkaani caam ayuu ku yahay meelaha naabiga lagu xiro halkaas oo qoyan isla markaana diiran. Meelaha infakshanku ku dhashay waxay yeeshaan guduud waxaana dhici kara in wax fuulaan qarka laymanka yaryar oo ku fidaya meelaha maqaarku ka laaban yahay.

Maxaa dhaliya?
Candida waxaa qaba 20% boqolkiiba dadweynaha iyadoo aan keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan xaallada gaara, sida isticmaalida antibaayootikis, waxaa dhici kara in candida intii ka sii weynaato. Waxaa dhici karta cuntada afka lagaga tegay sida cabitaana macaan ama caano, inay qayb ka qaadato koritaanka infakshanka candida.
Qoyaanka iyo diirimaadka meelaha diiran (meelaha laabma ee maqaarka) khaasatan meelaha jirada maqaarku ay ka jirto, ayaa ka dhigi kara candida infakshan inay noqoto. Haddii cudurkan afka qalaad lagu yiraahdo candida ku dhaco meelaha laabma isticmaalida kareemka cortisone iyadoo aan la isticmaalayn daawada lagu daaweeyo, waxaa laga yaabaa in cudurkaani ku sii xumaado.

Sidee lagu daaweeyaa?
Daawada mucayinka ah ee candida lagu daweeyo waxaa ku jira kareem la mariyo meelaha naabiga aafeeyey iyo jel ama goojo la mariyo ama lagu shubo afka. Kareemayaal ayaa lagu talin karaa iyadoo ay la socoto cortisone cream awoodeedu khafiif tahay jirra kasta oo maqaarka ku jirta. Haddii hooyadu ku yeellato candida cambarka ama ibta waxay u baahnaan doontaa daawo dhakhtar u qoro.
Cabiraada guud oo inaka caawimaysa in lagu hortago cudurkaan waxa weeye in la ogaado waxay jeceshahay waana:
  • Joojinta antibaayootikiska sida ugu dhaqsaha badan
  • Si taxadaran u qalajinta meelaha maqaarku ka laabo qubayska ka dib
  • Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si aad isaga ilaaliso inaad kululaato
  • Si fiican u daaweynta jirada maqaarka ee jirta ama furuuruca naabigu keeno.

Wixii macluumaad intaas ka badan halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Hurdo Xumida Ilmaha Cudurrada Caruurta Diagnostic 0 386 Last post January 23, 2008, 01:30:51 AM
by Diagnostic
Ilmaha Ku Dhasho Miisaan Hoose Cudurrada Caruurta Diagnostic 0 317 Last post January 25, 2008, 03:16:54 PM
by Diagnostic
Suuxinta Ilmaha: Su’aalo iyo Jawaabo Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 296 Last post March 04, 2008, 10:22:20 AM
by SomaliDoc
Taxanaha Hubinta Ammaanka Ilmaha Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 232 Last post March 12, 2008, 08:38:14 AM
by SomaliDoc
Cabeebka Ibta (Candida of the Nipple) Cudurrada Maqaarka SomaliDoc 0 258 Last post August 18, 2008, 08:35:43 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 06, 2009, 11:11:29 PM