SomaliDoc
Moderator
   
Points: 0
Offline
Gender: 
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535
Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
|
 |
« on: July 21, 2009, 10:50:35 PM » |
|
Horudhac Gastroenteritis waa bukasho si caadi ah ku dhaco mindhicirta kaasoo keeno matag iyo shuban. Waxaa keeno baktiirya, fayrusyo iyo waxyaabo kale. Xanuunada badankoda kaligooda ayay ku fiicnaadaan maalmo gudeheeda. Haddii matagga iyo shubanka ay aad u xun yihiin, waad fuuq bixi kartaa, taaso loola jeedo inuu jirkaada ku yaraan doono biyo ku filan. Kani aad ayuu halis ugu yahay dhallaanada iyo carruurta yar.
Calaamadaha Calaamadda ugu caansan ee gastroenteritis waa shuban iyo matag. Dad badan waxaa xittaa ku dhaco calool xanuun, xummad iyo madax xanuun. Calaamadaha waxay caadi ahaan socon doonaan dhowr maalmood, laakin waxay socon karaan ilaa hal toddobaad. Haddii aad qabtid shuban iyo matag xun, ama u ku haayo waqti dheer, waad biiyo beeli kartaa. Kani waxaa loola jeedaa in biyo kugu filan uu jirkaaga ku jirin. Calaamadaha inaad biiyo la’aan tahay waxaa ka mid ah, indhaha oo wajiga hoos u gelay, afka oo qalalan iyo carabka oo duuf yeeshto, iyo waxaad kaadi kartaa qiyaas yar oo kaadi madow ah.
Sababaha Fayrusyada waxaa si fudud loo kala gudbin karaa qof ka qof markii ay xiriir yeeshaan, ama markii uu qof cudurka qaba dad kale cunto u kariya. Mar-mar gastroenteritis waxaa keeno sunta cuntada ku jiro. Waxaa jiro noocyo badan ee bakteeriya ee cuntada sumayn karo sida kuwa lagu magacaabo E-coli iyo salmonella. Biyo oo bakterya halleeyay ayaa caadi ahaan sabab uga ah, badanaa dalalka nadaafada ka liita.
Daawaynta Waa inaad dareere badan cabtaa, gar ahaan biyo, sidii aad uga hortagtid fuuq bax. Dad qaarkood waxay qaataan cabitaanada biyaha ku soo celiya jirka, kuwaaso aad ka heli kartid farmashiistahaaga. Isku day inaad cunto cuntid haddii aad awoodo. Dadka badankooda uma baahno daawooyinka looga hor-tago shubanka, laakin waxaad ka heli kartaa farmashiistahaaga. Carruurta ha siinin daawada loogu hor-tago shubanka. Haddii calaamadaha ay aad u xun yihiin ama ay ficnaan waayaan, takhtarkaaga ayaa sambal ka qaadi karo shubankaaga sidii ay u ogaadaan nooca bakteeriyada iyo go’aan uga gaaraan daawaynta dheeradka ah, haddii loo baahdo.
Ka hor-tagga Habka ugu fiican ee looga hortago in la qaado gastroenteritis waa markii la raaco hab-dhaqan nadaafad fiican leh. Mar walba gacmaha iska dhaq ka dib markii aad suuliga tagto, ka hor intiii aadan cunto taaban, ka dib markii aad beerta ka shaqeyso ama la ciyaarto xayawaanada. Shukumaanada wayn ama kuwa yar ha la qaybsanin dadka kale oo qabo gastroenteritis, si joogto ah u nadiifi suuliga ay isticmaaleen. Waxaa fiican inaadan dugsi ama shaqo aadin markii aad qabtid gastroenteritis, waana in aad ka fogaataa ugu yaraan ilaa 48 saacadood laga bilaabo markii kugu dambaysay ee aad matagtey ama shubantey, sidii aad uga hortagto inaad dad kale cudurka ugu faafiso. Kani wuxuu gaar ahaan u fiican yahay haddii aad maqaayad ka shaqeyso.
Haddii aad su'aalo qabtid, hlakaan ka weydii SomaliDoc
|